Nin Xaaskiisii Ku Dilay Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Xaaskiisii Ku Dilay Magaalada Hargaysa
April 1, 2022 - Written by Editor:

Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd lagu dilay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Calaamadaha ee degmada Maxamuud Haybe haweenay lagu magacaabo Hodan Muxumed Cabdi.

Waxaana dilkeeda loo adeegsaday Toorrey, iyadoo dad Goobjoogayaal ahi ay sheegeen in ruuxa dilka gaystay uu ahaa ninkeedii.

Haweenaydan ayaa ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah, iyadoo haatan lahayd Uur 7-bilood lagu sheegay.

COMMENTS
LINKS