|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Ku Gacan Saydhay In Dalka Laga Eryo Wakiilkooda Soomaaliya Francisco Madeira.
April 9, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Guddiga Midowga Afrika ayaa walaac weyn ka muujiyay War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ku aadanaa eryida Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa muujiyay inay kasoo horjeedaan eryida wakiilkooda, isagoo sheegay inay xushmaynayaan warqadda madaxweyne Farmaajo kasoo baxday ee lagu diiday eryida Francisco Madeira. Moussa Faki Mahamat wuxuu xaqiijiyay inay ka go’an tahay inay sii wadaan xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya Danjire Madeira gaar ahaan, iyo guud ahaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS). Wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabaan Ambassador Madeira, wuxuuna ku celiyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Soomaaliya si ay ugu dadaalaan soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni. Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray amar dalka looga eryayo wakiilka Midowga Afrika oo lagu eedeeyay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika.
Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Ay Ku Daba Jirto Dadkii La Kulmay Labadii Qof Ee Laga Helay Ca... Dawlada Masar Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay In Ay Usafraan Somaliland. Xili Ay Jsl Dalkeeda ka Cadh... Shirka Doodda Qaran: (Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh) . Qalinkii Boobe, Qormadii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|