|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jsl Oo Daah-Furay Wejiga Labaad Ee Qaybinta Dhaqaalihii Loogu Talo Galay Dadkii Ku Caydhoobay Dabkii Suuqa Waaheen.
April 28, 2022 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee dhaqaalaha loogu celinayo ganacsatadii hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qaybiyey lacag dhan 6,766,418 (Lix Milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, Afar boqol iyo siddeed iyo toban) doolar, taasoo loo qoondeeyey ganacsatadii hayntoodu u dhexaysay $5,001 ilaa $480,000 oo dollar. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa guddida heer qaran ee hawshan gacanta ku haysa ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay dedaalka u wadaan, waxana uu ku baaqay in lasii xoojiyo dedaallada qaadhaan ururinta ee gudo iyo dibadba ka socda. Related posts:Daawo:Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Sarsare Ee Xisbiga Wadani Oo Eedaymo Ishuwan U Laqimay Madaxwayne K... DAAWO; Wasiirka Wasaarada Beeraha Jsl Iyo Madaxa Haayada FAO Oo Kormeer Ku Tagay Mashaariicda Ka So... War Deg Deg Ah; Siyaasi Ramaax Oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Waraysigii Udanbeeyay Ee Uu Bixiyay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|