Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Kulan Afur Iyo Casho ah La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bahda Garsoorka dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Kulan Afur Iyo Casho ah La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bahda Garsoorka dalka.
April 22, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen qaar kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan guddida cadaaladda, guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda degmada Hargeysa, Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex, guddoomiyaha Ururka garyaqaanada ee SOLLA, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafinta iyo isku lab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

 

 

COMMENTS
LINKS