Gabadh Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ku Guuleystay Ganacsadaha Sannadka Ee Magaalada Espoo Ee Dalka Finland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ku Guuleystay Ganacsadaha Sannadka Ee Magaalada Espoo Ee Dalka Finland!
April 6, 2022 - Written by Editor:

FINLAND(W,N)-Gabadh Uu dhalay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu magacaabo Faadumo Faysal Cali, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ganacsadaha sannadka oo sannad kasta lagu qabto magaalada Espoo ee dalka Finland.

Faadumo oo 35 sano jir ah ayaa sannadkii 2020 oo haatan laga joogo laba sannadood aasaastay Shirkad lagu magacaabo Hoiwa Oy, shirkaddaas oo muddo kooban ku samaysay horumar la taaban karo oo isugu jirta sumcad shaqo iyo mid dhaqaale.

Ka sokow horumarka dhaqaale ee ay shirkadda Faadumo muddo kooban ku samaysay, waxaa shirkadda lagu ammaanay oo ay abaalmarintan ku mutaysatay, in ay shaqaalaysiisay xirfadlayaal tiro badan oo ay sababa badan dartood ugu adkayd in ay suuqa shaqada si fudud shaqo uga helaan.

Shirkadda oo markii la aasaasay shaqada ku billowday labo sano kahor hal qof oo xafiiska ka shaqeeya ayaa waxaa haatan xafiiskeeda ka shaqeeya toban qofood oo shaqaale ah.

Shirkaddan oo u gooni-soocan hawlaha daryeelka caafimaadka iyo bulshada ayaa sannadkii koowaad kaddib waxay shaqaalaysiisay in ka badan 400 oo qofood. Hadda waxaa shirkadda u shaqeeysa 2500 oo qofood oo ka shaqeysa dalka Finland oo dhan.

Abaalmarinta Ganacsadaha sannadka ee Espoo waxaa Faadumo guddoonsiiyay 5.4.2022 duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä iyo Guddoomiye ku xigeenka Ganacsataha Espoo Markku Sahi

Faadumo waxay ku talajirtaa oo ay hiigsanaysaa in ay ganacsigeeda ka dhigto mid caalami ah iyo in ay ku darto suuqa saamiyada.

COMMENTS
LINKS