Doon Urarnayd Ganacsato Reer Somaliland Oo Caawa Dab Ku Qabsaday Dekeda Cadan Ee Dalka Yemen Iyo Khasaaraha Ka Dhashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doon Urarnayd Ganacsato Reer Somaliland Oo Caawa Dab Ku Qabsaday Dekeda Cadan Ee Dalka Yemen Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
April 12, 2022 - Written by Editor:

CADAN(W,N)-Doon Uraran Ganacsatada Somaliland Oo Caawa Dab Ku Qabsaday Dekeda Cadan Ee Tawaahi Hanti Badan Ayaa Doonta Ku Gubatay Sida Ay Sheegayaan Wararka Aanu Ka Helnay.

Doonta Dabku Qabsaday Ayaa Udiyaar Ahayd Inay Usoo Safarto Dekeda Berbera Isla Caawa Intaan Shilku Ku Dhicin.

Badeecadaha Doonta Ku Raran Ayaa Ubadnaa Bagaash Waxaan Inta Ugu Badan Leh Sida Lay Xaqiijiyay Ganacsade Magaciisu Yahay Rashiid Ibraahim Ciise Oo Kamida Ganacsatada Badeecadaha Inta Badan Kasoo Waarida Dalka Yemen Sidoo Kalena Rashiid Ibraahim Ciise Waa Wakiilka Sigaarka Qamdanka Ee Dalka Yemen Lagu Sameeyo.

Doonta Ayaa Waxa Mulkiyadeeda Leh Ganacsade Somalilander Ah Oo Layidhaa Cali Ducaale Waana Nin Caana Oo Mudo Dheer Ka Shaqaynaayay Bada Hadiyo Jeer Ku Shaqeeya Doonyaha.

Wakiilka Doonta Iyo Badercadaha Saaran Ee Cadan Garaad Jibriil Faarax Ayaa Wuxu Sheegay In Dabkii Doonta Qabsaday La Damiyay Khasaare Weynina Ka Dhashay Badeecadihii Doonta Saarnaa Oo Ubadnaa Sigaarka Qamdanka Iyo Subaga Badharka Kuwaas Uu Leeyahay Ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise.

Mulkiilaha Doonta Iyo Ganacsadaha Badeecadaha Uga Badani Usaaranyihiin Doonta Aanu Khadka Tilifoonk Kula Xidhiidhnay Noomay Suurta Galin Inaanu Helno.

Xigasho: Mohamed Abdillah Soofadhiiste

Berbera Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS