“Dhalinyarada Baraha Bulshada Doodaha Iyo Jawaabaha Xanafta Leh Ama Reeraysan Iskugu Marinaya, Waxaan Leeyahay Dhamaanteen Isku Dan Baadtihiin”Garyaqaan Timo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhalinyarada Baraha Bulshada Doodaha Iyo Jawaabaha Xanafta Leh Ama Reeraysan Iskugu Marinaya, Waxaan Leeyahay Dhamaanteen Isku Dan Baadtihiin”Garyaqaan Timo.
April 20, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Maxamed Maxamuud xaashi Timo oo kamid ah aqoonyahan reer Somaliland ayaa ka hadlay doodaha dhalinyarada dalka ee baryahan danbe baraha bulshada isku waydaarsadaan iyo fool xumada qaabka qabiilaysan amaba kooxeed ee ay iskugu jawaabayaan.

Sidoo kale garyaqaan Timo ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay joojiyaan habdhaqankaasi ismarkaana ay guud ahaan yihiin isku dan,

Qoraal uu arimahaasi kaga hadlay oo uu ku baahiyaybarta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan;

“Dhalinyarada baraha bulshada doodaha iyo jawaabaha xanafta leh ama reeraysan iskugu mariya ,waxaan leeyahay dhamaanteen isku dan baadtihiin/isku dan baynu nahay, haddii danta guud la horumariyo teena gaarka ahina way horumaraysaa.

Tartanku idinka gudihiina idinkama dhexeeyo ee wuxuu idinka dhexeeya inanka wadamada jaarka ah ama kuwa yurubta ah ku nool ee aynu u tahriibno dalkiisa kaas inaad la tartantaan oo dalkiina/dalkeena hagaajisano ayaa inagu waajib ah, markaad dalkaaga hagaajiso uun baad dunida qiimo ka yeelan, hadii kale miskiin liita oo nin dalkiisa hagaajistay u tahriiba una shaqeeya ayuun baynu noqon.

Aad baan u cabsadaa markaan habka ay dadkeenu u fikirayaan, gaar ahaan dhalinyarada uu mustaqbalka dalkani sugayo .

Ugu danbayn waxaan leeyahay dhalinyarada hamigiinu ha sareeyo oo halkan hoose ha dhaafo, una fikira sidii aynu dunida ula mid noqon lahayn ee aynu qiimaheena ummadnimo, dadnimo kor ugu qaadi lahayn,

Ramadaan Kariim walaalayaal.

Garyaqan Maxamed Maxamud Timo

COMMENTS
LINKS