Dhagaysiga Dacwada Madaxwaynihii Hore Ee DDS Oo Dib Loo Dhigay Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhagaysiga Dacwada Madaxwaynihii Hore Ee DDS Oo Dib Loo Dhigay Iyo Sobobta!
April 14, 2022 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Dhagaysiga dacwadda Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay kadib markii tarjumaankiisu uu maxkamadda iman waayay.

Dhagaysiga dacwadda Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay kadib markii tarjumaankiisu uu maxkamadda iman waayay.

Maxkamadda Sare ee dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa Amartay in lasoo xidho cabdillaahi Raabi oo ah wariye ka tirsanaan jirey warbaahinta dawladda Ethiopia ayaa sidoo kale ahaa  Tarjumaanka Maxkamadaynta Cabdi Maxamud Cumar.

Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida ayaa dhawr jeer ka cawday in dhagaysiga Maxkamadayntooda dib loo dhigay sababo la xidhiidha tarjumaanka oo maqnaa.

 

 

COMMENTS
LINKS