|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo Boolis Iyo Dharcad Iskugu Jira Oo Goordhawayd Gudaha Ugalay Xarunta Tvga Horyaal Iyo Hadidaad Ay Ugaysteen Shaqaale Ku Sugnaa!
April 13, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Sida uu baahiyay midkamid ah masuuliyiinta Televisionka Horyaal 24tv ayaa wuxu sheegay in ciidamo iskugu jira boolis iyo kuwo dharcad ahi ay goordhawayd gudaha ugaleen xarunta tvga horyaal kuwaasi oo Hadidaad ugaystay laba shaqaale oo ku sugnaa xarunta isagoo arimahaasi ka hadlaynaya wuxu yidhi; ……………….Xaalad Deg-Deg ah………………….. Waxa hada gudaha u soo galay xarunta dhexe ee Horyaal24 Tv ee madaxtooyada Somaliland jaarka la ah ciidamo hubaysan oo dhar-cad iyo kuwa dirays xidhan labadaba iskugu jira waxayna handideen laba shaqaale ah oo ku sugnaa xarunta iyaga oo ka il-buuxsaday qaybaha xafiiska indho-indhayn weyna ku sameeyay xarunta kuwaas oo sahan u muuqday. Ciidankani waxa ay sheegeen in saldhiga dhexe ee Hargaysa laga soo diray Fiidkii caawa ayay mar yimaadeen xiligaas oo shaqaaluhu joogeen xarunta una diideen in ay gudaha u soo galaan iyaga oo sheeganaya in ay ka socdaan ciidamada danbibaadhista ee CID da Gudoomiyaha Horyaal24 Tv Sayid Cismaan Mirre waxa uu ku wargelinayaa Taliska ciidanka bilayska Somaliland in ay cadeeyaan hadii ay ciidankaas dhar-cadda ka socdeen hadii kalana ay sugaan amaanka Horyaal tv iyo amaanka shaqaalaha tvga labadaba Wa Bilaahi Tawfiiq XIGASHO; AGAASIMAHA CABDIRAXMNAA CARAB DAA,UUD. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|