Ciidamada Hawlgalada Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee ATMIS Oo Bandow Kusoo Rogay Xarunta Xalane Iyo Wakhtiga Uu Soconayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Hawlgalada Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee ATMIS Oo Bandow Kusoo Rogay Xarunta Xalane Iyo Wakhtiga Uu Soconayo!
April 24, 2022 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka Kasoo Baxay ATMIS waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, sida uu maanta shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale Go’aankan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dhanka  kale ATMIS waxay cadeysay in howlaha kale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si caadi ah u soca doonaan, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya Afisyooni.

 

COMMENTS
LINKS