“Cabdi Xaashi Marka Soomaali La Isku Daro, Waa Ninka Ugu Fog Ee Kasoo Horjeeda Gooni-isu-taaga Somaliland” Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cabdi Xaashi Marka Soomaali La Isku Daro, Waa Ninka Ugu Fog Ee Kasoo Horjeeda Gooni-isu-taaga Somaliland” Siyaasi Cali Guray.
April 27, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla xaalada geeska iyo siyaasada gudaha Somaliland ayaa sheegay in gudoomiyaha maanta loo doortay aqal sare ee somaliya cabdi xaashi uu yahay shakhsiga ugu fog dadka kazoo horjeeda madaxbanaanida Somaliland islamarkaana uu sicad uga hiiliyay Somaliland kaasi oo aan ka mudnayn uu hambalyeeyo xilka loo dooray,

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna Udhignaa Sidan;

“Cabdi Xaashi marka Soomaali la isku daro waa ninka ugu fog ee ka soo horjeeda gooni-isu-taaga Somaliland. Aragtidiisa xaq buu u leeyahay oo waan ku ixtiraamayaa balse hambalyo iguma laha. Waayo isaga oo aan gar-qaadin ayuu gar iyo Gardarroba dhinac 100% Garta siiyay Uu Somalia u hiiliyay Somalilandna ka hiiliyay. Ragga kale ee Xamar u shaqo tegay ee Dusha ka Somalia Hoosta ka Somaliland ah isagu wuu ka duwan yahay. Waa inan-la-yaal ee halkiisaa ha iskaga qalajisto ilaa inta Somaliland la ictiraafayo ama sida uu jecel yahay mar labaad la isku noqonayo.Ayuu Yidhi Siyaasi Cali Guray.

 

COMMENTS
LINKS