Aas Aasaha Xawaalada World Remit Oo Wax La layaabo Ku Tilmaamay Dhaqaalaha Ay Midowga Yurub Ugu Yabooheen Masiibadii Suuqa Waaheen Iyo Sida Loo Buun Buuniyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aas Aasaha Xawaalada World Remit Oo Wax La layaabo Ku Tilmaamay Dhaqaalaha Ay Midowga Yurub Ugu Yabooheen Masiibadii Suuqa Waaheen Iyo Sida Loo Buun Buuniyay!
April 26, 2022 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Aas Aasaha Xawaalada World Remit iyo Sahamiye foundation Ismaaciil Ahmed ayaa ka hadlay dhaqaale aad uhooseeya oo midowga Yurub sheegeen in ay kaga qayb qaadanayaan taakulaynta masiibadii gubashada suuqa waaheen ee magaalada hargaysa taasi oo uu sheegay in ay tahay mid aan uqalmin Somaliland ismarkaana ay gabi ahaanba qoraalkooda ku dafireen in haweenkii ay saamaysay masiibada waaheen aan cidi wax gar gaar ah ufidin xili ay sahamiye foundation ay dhaqaale sedex jeer ka badan qaadhaanka ay ku yabooheen uu gaadhsiiyay hooyooyinka ku ganacsatada suuqa waaheen kuwaasi oo dib ubilaabay ganacsigoodii.

Qoraal uu ganacsade ismaaciil ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan;

“War saxaafadeed aad loo buunbuuniyey oo EU-du soo saartay ayaa lagu sheegay in ay deeq dhan €100,000 soo marin doonto hay’ad kale oo ganacsatada yaryar ee Waaheen ka caawin doona in ay iibsadaan “cunto iyo biyo” ganacsigoodiina dib u bilaabaan.

Warkan oo lagu daabacay bogga EU-da oo bishii ay booqdaan 60 malyuun ayaa wuxu bixinayaa sawir qaldan oo ah in ganacsata yaryar weli aan waxba loo qaban oo ay hay’ad sugayaan.

Waxay EU-du warka faafisay iyada oo og in ganacsatada yaryar loo qaybiyey lacag ka badan $2 malyuun oo ay dib u bilaabeen ganacsigoodii, ilaa haddana lacagaha ay Soomaalidu ku deeqday kor u dhaaftay $20 malyuun.

Marka laga jaro kharashyada hay’aduhu ku maamulaan deeqaha waxa laga yaabaa in inta soo hadhaa ay noqon karto oo keliya afur wadareed cuntada iyo biyaha la sheegay gaadhsiiya ganacsatada suuqa.

War saxaafadeedka oo aad looga soo shaqeeyey wuxu deeqdan yar ka dhigay mid ka miisaan weyn dhammaan wixii dadkeennu bixiyeen marka Google laga baadho gurmadkii suuqa.

COMMENTS
LINKS