โ€œ๐™„๐™‰ ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ ๐™ƒ๐™Š๐™๐™ˆ๐™Š๐™Š๐˜ฟ ๐™†๐˜ผ ๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐™๐™Š ๐™’๐˜ผ๐™“๐™๐˜ผ๐™๐™†๐˜ผ ๐™„๐™”๐™Š ๐™‚๐™๐™๐™ˆ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ ๐˜ฟ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ๐˜ผ๐™‚๐™ ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐˜ผ๐™” ๐™Ž๐™ƒ๐™€๐™€๐™‚๐˜ผ๐™”๐™Ž๐˜ผ๐˜ผ, ๐™‡๐™€๐™“๐™Š-๐™…๐™€๐˜พ๐™‡๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™„๐™”๐™Š ๐™Œ๐™„๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ ๐˜ผ๐™” ๐™†๐™๐™‡๐˜ผ ๐™‡๐™€๐™€๐™”๐™„๐™ƒ๐™„๐™„๐™‰โ€!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
โ€œ๐™„๐™‰ ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ ๐™ƒ๐™Š๐™๐™ˆ๐™Š๐™Š๐˜ฟ ๐™†๐˜ผ ๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐™๐™Š ๐™’๐˜ผ๐™“๐™๐˜ผ๐™๐™†๐˜ผ ๐™„๐™”๐™Š ๐™‚๐™๐™๐™ˆ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ ๐˜ฟ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ๐˜ผ๐™‚๐™ ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐˜ผ๐™” ๐™Ž๐™ƒ๐™€๐™€๐™‚๐˜ผ๐™”๐™Ž๐˜ผ๐˜ผ, ๐™‡๐™€๐™“๐™Š-๐™…๐™€๐˜พ๐™‡๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™„๐™”๐™Š ๐™Œ๐™„๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ ๐˜ผ๐™” ๐™†๐™๐™‡๐˜ผ ๐™‡๐™€๐™€๐™”๐™„๐™ƒ๐™„๐™„๐™‰โ€!!
April 9, 2022 - Written by Editor:

(Marka dhaawac yimaado daaweynta iyo dhaymaha waxa ka muhiimsan oo ka horeeya dhiig joojinta , Gurmadka lacagta $161,700 waxa uu noqday dadkii wadhatada iyo danyarta ahaa ee suuqa waaheen Dhiig Joojin Deg-Deg ah )

Dhamaan way mahadsan yihiin dadka marwalba isku xilqaama danta guud iyo wax u qabashada dadkooga gaar ahaan Ganacsatada ka soo jeeda jamhuuriyada Somaliland oo badankoogu aan u kala hadhin marka dadkooga wax ku yimaadaan.

Waxa muhiim ah in uu qofwaliba oo hanti haystaa 99% waxa uu haysto uu ka shaqeystay dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland in aad wax ku celisaana waxa ay tilmaamaysaa qiimaha iyo sida ay kuugu weyn yihiin dadkaagu iyo dalkaagu.

Ganacsade Ismail Ahmed oo ah Aas-aasaha Sahamiye Foundationย ย  iyo xawaalada WorldRemit

Wuu ku mahadsan yahay talaabooyinka hormoodka wanaagsan ah ee uu u sameeyey sadex xaaladood oo wadanka soo food saaray sadexdii sanadood ee ugu dambeeyay oo kala ahaa ;

1;Gurmadkii iyo kaaalintii uu ka sameeyey ka hortaga iyo ka gaashaamashadii Covid19 sanadkii 2020 oo uu agab badan hal milyan ah iyo afar boqol oo ay ka mid yihiin Af-saab , nadiifiyeyaal iwm qiimahaaguna dhamaa ( $1 milyan ) uu noqday qofkii ugu horeeyey ee la soo gaadha dadka jamhuuriyada Somaliland.

2;Gurmadkii biyo dhaamiska ee sanadkan 2022 oo jiilaalkii dheeraaday ee Gobolada bariga Somaliland iyo hawdka Hargeisa uu noqday qofkii ugu horeeyey ee horseeday in uu ku caawiyo kun booyadood oo biyo ah ( 1000 booyadood ) iyo waliba qaabkii quruxda badnaa ee daah furnaanta ahaa ee ay ku dheehnayd aqoonta ee ay umada ula wadaageen waxii ay balan qaadeen bixintoodii iyo sidii loo maamulay 1452 booyadood oo biyo ah oo ay bixiyeen.

3;(b) Gubashadii suuqa weyn ee ganacsiga jamhuuriyada Somaliland oo saameyn dhaqaale ku yeeshay in ka badan boqolaal kun oo qof waxa uu noqday qofkii ugu horeeyey ee dadka kuwoogii ugu hooseeyey ( 410 hooyo ) ku deeqay lacag hordhac ah ( $ 161,700 ) si ay ganacsiga iyo faraqabsigii usii bilaabaan oo noloshoodii u soo noqoto waxa aan odhan karnaa daaweynta waxa ka horeysa dhiig joojin qofku marka uu dhaawacmo e , waxaa uu sameeyey dhiig joojin waxaana uu dabka u shiday 410 qoys iyo intii kusii daba noolayd.

(T)Waxa uu balanqaaday in aan xawaalada WorldRemit waxii taakulo loo wado iyo qaadhaan ee la soo mariyo xawaalada WorldRemit in ay tahay bilaa khidmad oo uu bilaash ugu adeegayo , waa talaabada labaad ee wax weyn ka taraysa is taakuleynta iyo wax istarka gurmadka loogu jiro dadkii hantidoodii ku baaba’day suuqii weynaa ee Ganacsiga ee Waaheen Hargeisa.

Waxa kale oo aan bogaadinayaa ganacsatada waaweyn ee dalku sida ay isku abaabuleen iyo gudiyada ay u sameysteen gurmadka dadkooga , sidoo kale qofwaliba waxa aan ku dhiirigalinayaa in uu ka qayb qaato xaaladaha gurmadka loogu jiro waxtarka dadkeena ay hantidoodii iyo maalkoogii kaga burburay dabkii ka kacay suuqa waaheen.

QALINKII;-Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

 

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ