Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Jidadka Somaliland Oo Iska Casilay Xilkii! Sobobta? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Jidadka Somaliland Oo Iska Casilay Xilkii! Sobobta?
March 30, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu Xukuumadda JSL ka hayay,Waxaanu Iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha JSL.

Sida ay Ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa is Casilaadiisa u gudbiyey Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,

Dhanka kale Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha JSL uu ka aqbalay is tiqaalada Wasiirkaas u soo gudbiyey, Wuxuuna Madaxweynuhu uga mahadnaqay Mudadii uu Qarankiisa u soo shaqaynayay.

Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu beri oo Khamiis ah magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaa Waaberi.

 

COMMENTS
LINKS