|
|||||
WAJAALE NEWS
Wargeyska East African Oo Warbixin Ka Qoray Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ee Maraykanka
March 17, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wargeyska East African oo ka soo baxa Dalka Kenya, ayaa warbixin dheer ka qoray socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Maraykanka. Wargeyska East African, waxa uu ka warramay warbixintii madaxweyne Muuse Biixi uu Isniintii toddobaadkan ka jeediyey xarunta The Heritage ee dalka Maraykanka, oo uu kaga xaal hadlay duruufihii Somaliland u soo martay qarannimadeeda iyo sida ay ku soo noqotay dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu Maraykanka ugu baaqay inuu xafiis ka furto Somaliland si uu ugu soo biro dawladaha UK, Denmark, Kenya, Taiwan, Imaaraadka carabta oo xafiisyo iyo wakiillo u joogaan Hargeysa. Wargeyska East African wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay in Somaliland ay ka caagan tahay budhcad baddeeda iyo argagixisada caalaamiga ah, waxaanu tilmaamay in ay ciidammada ilaalada xeebaha wada shaqeyn iyo iskaashi ka dhexeeyo Ciidammada badda ee Ingiriiska. Waxa kaloo wargeysku xusay in madaxweyne Muuse Biixi uu ku guubaabiyey beesha caalamka inay taageeraan qaddiyadda aqoonsi raadinta. Related posts:Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Waramay Xaaladiisa Caafimaad Xili Wali Uu Ku Jiro Karantiinkii Co... Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Xafiiskiisa Kulan Gaar Ah Kula Yeeshey Prof Ismaciil Buubaa Iyo Ari... 16 Gobol Oo Maraykanka Ka Tirsan Oo La Sheegay In Ay Halis Ugu Jiraan Dhul Gariir Khariiradda Dunida... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|