War Deg Deg Ah; Maamulka Kastamka Kalabaydh Oo Kastamka Ku Dhex Xanibay Qaadad La Cashuuray Iyo Sobobta!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Maamulka Kastamka Kalabaydh Oo Kastamka Ku Dhex Xanibay Qaadad La Cashuuray Iyo Sobobta!!
March 7, 2022 - Written by Editor:

Gabiley(W,N)-Maamulka Kastamka Cashuuraha Ee Magaalada  Kalabaydh Ayaa Hada Amar Uu Bixiyay Kastamka Dhexdiisa Ku Xanibay Qaad La Cashuuray Kaasi Oo Ilaa Hada Ku Xaniban Sobobta loo haysto iyagoo cadaynin maamulka kastamku madaama uu bixiyay cashuurtii ku waajibtay.

Arintan xanibaada qaadka Shirkada Gaafane oo la cashuuray islamarkaana maray sharciyadii looga baahnaa ayaa amar ka xanibaadiisu kasoo baxay maamulka kastamka iyadoo aanay jirin sobob loo xanibo jaad la cashuuray.

Qaadka la cashuuray ee maamulka kastamka kalabaydh bilaa sobobta ku xanibay ayaa waxaa soo gaadhaya khasaare balaadhan isagoo laga yaabo in jaadku gubto mudada uu yaalo cad ceeda islamarkaana uu ka dhaco wakhtigii loogu talo galay in uu gaadho magaalooyinkii la gaynayay!

Dhawaan ayay ahayd khilaaf maalmo udhexeeyay maamulka kastamka Iyo ganacsatada qaadka oo ka biyo diiday miisaanka wasaarada maaliyadu dhigtay kastamka ayaa waxay ku heshiiyeen  la joojiyo miisaanka  ay ka cawdeen ganacsatada qaadka soo waarida kaasi oo mudo 7cisho ahba la joojiyay ayna qaadadku  sidii hore usoo marayeen, lagana daayay miisaanka ay wasaarada maaliyadu keensatay. loona cashuurayay sidii caadiga ahayd,

Hadaba Talaabada uu maamulaha kastamka kalabaydh maanta ku xanibayay qaadad uu kamid yahay ka shirkada gaafane oo kamid ah shirkadaha ugu waawayn ee qaadka dalka keena ayaa imanaysa xili ay qaadadkii kastamka kalabaydh hore uga baydhay  ay kusoo noqdeen, iyadoo dadka ka agdhow maamulka kastamka ee deegaanka kalabaydh ay talaabada maamulka iyo madaxda wasaaradu markale bilaabeen ku tilmaamay mid dano kale dabada ku haysa, taasi oo halis ku ah kastamka kalabaydh oo xukuumada uga soo xaroodo dhaqaale malaayiin dollar ah,

Wixii kasoo kordha waxyaabaha ka socda kastamka kalabaydh kala soco wararkeena danbe.

COMMENTS
LINKS