SOMALILAND IYO 2022; “Sadex Doorasho Mise Doorasho La,Aan”!Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND IYO 2022; “Sadex Doorasho Mise Doorasho La,Aan”!Siyaasi Cali Guray.
March 13, 2022 - Written by Editor:

Soomaalidu waxay caado u leedahay Ilaahayow “haa iyo maya meel ha nagaga wada yeeshsiin”.

Madaxwayne Muuse wuxu balanqaaday in sadexda doorasho oo sharci ahaan tahay in sanadkan ay  wada qabsoomaan uu qabanayo oo weliba doorasho walba wakhtigeeda lagu qabanayo.

Hadii ay runtii noqoto waxa ugu horaysa Doorashada Guurtida oo iyada la filayo in ay noqon doonto doorasho aan toos ahayn ee dadban waxa ay qabsoomi doontaa sida uu Madaxwaynuhu sheegay, hadii ay runtii tahay, bisha May 2022. Ilaa hadda xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Guurtida oo hore uu Madaxwaynuhu u balan qaaday in Xeerdejinta uu isagu u gudbin doono qiyaastii bishii January ee tagtay ilaa hadda lagama hayo weliba uma eka in uu soo wado. Waxay u badan tahay In odayga hadalkiisi ku beenoobayo oo fursadda laga qabi karo in doorashadaasi ay wakhtigeeda ku qabsoomi karto  waxa lagu qiyaasi karaa 10%.

Doorashada labaad ee ugu soo horaysaana waa Doorashada Madaxtooyada oo ku beegan in  ay ka qabsoonto bisha November 2022. Madaxwaynuhu intii aanu saamilayda kale waxba u sheegin ayuu bishii November 2021 heshiis kula galay qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka ee shisheeyaha ah, oo dabcan iyaguba ka mid ah saamilayda, in Doorashada Madaxtooyadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

Bishii December 2021 Komishanka Doorashada wuxu diyaariyay qorshihii doorashada ilaa Khariidaddii Tubta Doorashada (road map) iyo kharashkii ku baxayay oo inta badan ay aqbaleen qaadhaan-bixiyayaasha shisheeyaha ah oo dabcan reer Yurub a, halka xukuumadduna ay intii kale miisaaniyadda 2022 ku dartay.

Komishanka Doorashada oo tixgelinayay xiligan jiilaalka iyo bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa cadeeyay in diiwaangelinta codbixiyaha ay dalka ka bilaabmayso horaanta bisha May ilaa dhamaad Bisha Juun oo natiijadu ay soo bixi doonto hadii Allah yidhaa.

Halkaa marka ay marayso Xisbiyada Mucaaridku hadii aanay hore u haynin Khariidadda Tubta Doorashada oo dhamaystiran ama la wadaagin Komishanka oo wakiiladoodu miiska ka fadhiyaan ayaa iyagu codsan doona in ay helaan. Komishanka oo ah haya’dda Madaxbanaan ee iyadu ka masuulka ah qabashada doorashadu waxa qasab ku ah in ay dhamaystiraan lana wadaagaan dhamaan saamilayda doorashada qorshe-hawleedkooda inta u hadhsan si ay u dhamaystiraan khariidadda tubta doorshada ilaa maalinta codbixinta. Halka horta la isku qabsan doono Muuse Biixi iyo saamilayda kale waa halkaa, gaar ahaan Qaadhaan-bixiyayaashii ilaa bishii November ee kal hore ku socday dhinacooda heshiiskii uu la galay iyo khariidaddii tubta doorashada ee Komishanku diyaariyay ka dibna ay ku ogolaadeen codsigiisii uu ku waydiistay in ay ka caawiyaan doorashada Madaxtooyada oo uu balanqaaday in ay ku qabsoomi doonto wakhtigeeda balse isagu uu ku balanfuray.

Sidaa daraadeed marka aynu og nahay sida uu hadda wax u wado Madaxwayne Muuse fursadda in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigeeda ku qabsoomi karto ayaan ka badnayn 50% (fifty fifty). Sua’aashuna waxay tahay maxay kala yeeli Muuse iyo  bal cid kaleba ha joogto eh iyo qaadhaan-bixiyayaashu marka ay caddato in uu ka baydhay waddadii doorashada madaxtooyada?

Qaybta 1aad!

QALINKII;Siyaasi Cali Gurey.

Hargeysa

 

COMMENTS
LINKS