|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Maxamuud Xaashi Kulan Layeeshay Qaarkamid ah Dhalinyarada Magaalada Gabiley.
March 25, 2022 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada xukkuumadii Axmed Siilaanyo Maxamud Xaashi cabdi ayaa galabta safar ku tagay magaalo madaxda gobolka gabiley ee gabiley halkaasi oo uu kulan kala yeeshay qaarkamid ah dhalinyarada reer gabiley oo ay weheliyaan xildhibaano katirsan golaha deegaanku.
Sidoo kale siyaasi maxamuud xaashi oo hada ah siyaasi dibad wareega ayaa booqasho ku tagay maktabada akhrista ee gabiley halkaasi oo uu ku qaabiley agaasimaha laybareeriga gabiley mustafe muxumed xasan Ujeedada safarka siyaasi maxamuud xaashi ee gabiley ayaan la shaacin iyo nuxurk kulamada uu la qaatay dhalinyrada gabiley kaliya marka laga reebo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada,
Siyaasi maxamuud xaashi oo kamid ahaa wasiiradii ugu awooda badnaa xukuumadii axmed siilaanyo soona qabtay xilalka wasaaradaha duulista & hawada iyo madaxtooyada ayaa mudadii uu xilka hayay wax lagu xasuusto aan qaban gobolka gabiley isagoo wakhtigii uu wasiirka duulista iyo hawada ahaa mar wax laga waydiiyay sobobta ay xumuumadu udhisi wayday madaarka kalabaydh ku jawaabay in aan loo baahnayn madaarka kalabaydh madaama uu udhow yahay caasimada waa sida uu hadalka udhigaye sidoo kale siyaasi maxamuud xaashi ayaa mar uu ka hadlayay koox dablay ahayd ee dadka ku laysay inta udhaxaysa gabiley iyo dilla ayaa wuxuu sheegay in dadkii dadka laayay ay ahaayeen taageerayaashii xisbiga kulmiye islamarkaana xukuumadoodii ay xidh xidhay markii ay ku guulaysatay talada dalka. Siyaasi maxamuud xaashi oo isagu dhawaan dib ugu soo noqday xisbi xaakimka kulmiye oo hore looga caydhiyay ayaa gobolka gabiley ku lahayn wax lagu xusuusto iyo taageero toona wallow uu kamid yahay siyaasiyiinta reer Somaliland islamarkaana booqasho uu ku tagi karo gobolka uu ubaahdo dalka balse gabiley ayaa kamid ah meelaha aanu ku lahayn saamaynta siyaasadeed,
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|