Shirkada National Indha Birta Company Oo Kaalin Shidaal Iyo Meherado Cusub Ka Hirgalisay Magaalada Berbera Iyo Masuul Ka Qaybgalay Munaasibada Xadhig Ka Jarka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada National Indha Birta Company Oo Kaalin Shidaal Iyo Meherado Cusub Ka Hirgalisay Magaalada Berbera Iyo Masuul Ka Qaybgalay Munaasibada Xadhig Ka Jarka!
March 30, 2022 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Shirkada  National Indha Birta Company ayaa magaalada Berbera ka hirgalisay kaalin shidaal oo casriya iyo super market kuwaasi oo maanta xadhiga laga jaray.

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryayntawasiir kuxigeeno maamulka gobolka saaxil iyo xildhibaano ka kala Tirsan wakiilada iyo deegaanka ayaa ka qaybgalay munaasibad xadhiga lagaga jaray meheradahan ganacsi ee shirkada indha birtu ka hirgalisay magaalada berbera.

Maamulka shirkada indha birta iyo mulkiilaha shirkada ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedooyinka ay udoor bideen in ay berbera ka hirgaliyaan kaalin shidaal, suuq ganacsi iyo laydh oo bulshada reer beriberi baahi wayn uqabtay.

Sidoo kale wasiir cabdilaahi abokor iyo maamulka gobolka ayaa soo dhaweeyay  shirkada indha birta iyo ganacsi ay ka furtay berbera isagoo mulkiilaha shirkadan maxamed xuseen ku dhiiri galiyay in uu sii wado ganacsigiisa ooh ore uga furnaa caasimada hargaysa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS