“Shacbiga Somaliland Ha Iska Jiraan Shirqoolka Loo Maleegay In Lagu Afduubo Taladooda, Ee Muuse Biixi Doonayo In Uu Ku Cimri-dherarsado”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shacbiga Somaliland Ha Iska Jiraan Shirqoolka Loo Maleegay In Lagu Afduubo Taladooda, Ee Muuse Biixi Doonayo In Uu Ku Cimri-dherarsado”Cali Guray.
March 21, 2022 - Written by Editor:

KAAM SHAAFNA MARAAKIIB MACDALLA WAABA HUUDHI

Ina Biixi Warkiisu Wuu Cad yahay. “Kol Hadaan Dhergay Anigaaban Idin Gefayn Oo Waan Idinku Sii Galgalanayaa Ama Iska Kay Celiya” Saw Maaha?

Doorasho xisbiyo iyo ururo ay geli doonaan oo ka horaysa 13 November ma qabanayo Komishanka Doorashooyinku ee ma isaga iyo wasiiradiisa ayaa qabanaya? Maya ee wuxu u jeedaa keliya in Doorashada Madaxtooyadu aanay qabsoomin ee muran geliyo. Hadii ay qabsoomi waydo ma dhici   doonto doorasho kale oo la isla ogol yahayna eh ogaada.

Shacbiga Somaliland Ha Iska Jiraan Shirqoolka Loo Maleegay In Lagu Afduubo Taladooda Ee Muuse Biixi doonayo in uu ku cimri-dherarsado doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaana uu ku wada burburiyo si aan doorasho dambe dalka uga dhicin. Go’aankiisu waa kol hadii mar Madaxwayne iga dhigteen oo cod kursiga igu saarteen qori waxaan ahayn kaga degi maayo eh tashada oo inta cimrigayga ka hadhay iska kay daaya sideetan jir baan ku dhawahay oo wax badani ii may hadhine. Maalintii uu kursiga ku fadhiistay ayuu go’aankaa qaatay.

Saw maydin maqli jirin Dabargoynta Isaaqa berigii Siyaad Barre suga Dabargoynta Muuse Biixi soo wado. Kaam shaafna maraakiib macadalla waaba HUUDHI.

Ugu dambaystii waxa waajib igu ah in aan ugu baaqo dhamaan walaalahayga Somaliland ee gobolada dalka oo dhan aniga oo uga digaya shirqoolka Muuse Biixi u maleegayo ee ah Af-duubka geedisocodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ay ku soo caano maashay, in aan leeyahay diida oo ha ogolaanina sanaaduuq aan ahayn kuwa doorashada madaxtooyada in uu keeno goboladiina, degmooyinkiina, iyo Tuulooyinkiina midna

ELECTIONWATCH

QALINKII SIYAASI CALI GUREY

COMMENTS
LINKS