|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Oo $34500 Oo Gurmadka Abaaraha Ku Wareejiyey Maamulka Gobolka Buuhoodle.
March 1, 2022 - Written by Editor:Qorilugud(W,N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qaadhaan lacageed oo gaadhaya $34500 (Afar iyo soddon kun iyo shan Boqol) oo doollar oo ay xukuumaddu kaga qaybqaadanayso taakulaynta abaaraha ku wareejiyey maamulka gobolka Buuhoodle.
Munaasibadda wareejinta deeqdan oo ka qabsoonta degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ku faray maamulka gobolka iyo degmooyinka hoos yimaaddaba inay bulshada abaartu hayso la gaadhaan biyo deg deg ah oo ay harraadka kaga baxaan.
Related posts: DAAWO: Telefishanka Ku Hadla Afka Dawladda IRAN Ee Press TV Oo Markii U Horeysay Laga Baahiyey Dood... DAAWO;-Sheekh Aadansiiro Oo Shacabka Reer Hargaysa Ugu Baaqay In Ay Dad Wanaagsan Doortaan, fursadan... Warqad Orod Yahankii Caanka ahaa Maxamed Cali Kalay Uu u Qoray Nelson Mandela Oo La Helay Iyo Qad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|