|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Itoobiya!
March 27, 2022 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Ee Bole waxa ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimo khuseeya labada dal ee heer qaran iyo heer gobol. Sida ay sheegtay Wakaalada ENA, labada dal ayaa si dhow uga wada shaqaynaya sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha. Itoobiya iyo Jabuuti ayaa iska kaashanaya sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidada labada dhinac ee dhinacyada Tareenka, Jidadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Korontada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.
Related posts:DAAWO;-Qaabkii Golaha Wakiilada U Ansixiyeen 3xubnood Oo Gudida Diwaan-galinta Ururada Katirsan Ee H... DAAWO; Mucaaradnimadii Madaxwayne Silaanyo Iyo Abaabulka Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Galitaanka C... Gudoomiye Faysal Oo Ka Hadlay Arimaha Halista Ah Ee Ka Jira Muqdisho Iyo Sida Ay Ugu Mashquuleen Som... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|