Kooxda TPLF Oo Ogolaatay Xabbad-joojin Ay Shalay Ku Dhawaaqday Dawladda Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda TPLF Oo Ogolaatay Xabbad-joojin Ay Shalay Ku Dhawaaqday Dawladda Itoobiya.
March 25, 2022 - Written by Editor:

MAQALE(W,N)-Tigraygu Waxay soo dhaweeyeen xabad joojinta ay shalay ku Dhawaaqday dawladda Itoobiya oo markii hore ahayd hal dhinac.

Kooxda TPLF ayaa shaacisay in ay dhankeeda aqbashay xabad joojinta ay dawladdu shaacisay ee dagaalka sanad iyo badhka ka socda waqooyiga Itoobiya.

Waa xabad joojintii ugu horaysay ee dhinacyadu ay shuruud la’aan aqbalaan iyadoo aanay wax kale isku xidhin.

War ay soo saartay madaxtooyada Tigrayga ee Maqalle waxa lagu sheegay in ay fududayn doonaan hawlaha gargaarka ee gobolka iyo in dadka baahan la gaadhsiiyo gargaar.

Shalay wsaacadihii danbe ayay dawladda Itoboiya sheegtay in ay dhankeeda dhaqan galinayso xabbad joojin buuxda, iyadoo balan qaaday in kooxaha gargaarka ay u ogolaanayso in ay galaan gudaha deegaanada Tigrayga.

COMMENTS
LINKS