Khilaaf Markale Ka Dhex Qarxay Maamulka Kastamka Kalabaydh Iyo Ganacsatada Qaadka+Jaadkii Ugu Badnaa Oo Caawa Ku Xaniban Kastamka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Markale Ka Dhex Qarxay Maamulka Kastamka Kalabaydh Iyo Ganacsatada Qaadka+Jaadkii Ugu Badnaa Oo Caawa Ku Xaniban Kastamka.
March 7, 2022 - Written by Editor:

KALABAYDH(W,N)-Khilaaf Culus ayaa markale soo kala Dhexgalay ganacsatada Qaadka kazoo Waarida dalka itoobiya iyo Maamulka kastamka kalabaydh ee wasaarada maaliyada kadib markii heshiish ay dhawaan wada gaadheen ganacsatada iyo maamulka wasaarada maaliyadu uu maanta ilaa caawa Waxka badalay  heshiishaasi iyagoo maamulka kastamku amaro dul dhigeen gaadiidka qaadka sida iyadoo hore ay ugu heshiiyeen in la joojiyo miisaanka cusub ee wsaarada dhigtay kastamka oo mudo todobaad ah ay wasaarada ka daysay qaadlayaasha in la saaro gaadiidkooda qaadka sida kaasi oo ay ka cawdeen ganacsatadu kadib markii uu kusoo saaray miisaano xaddhaaf ah oo aanay awoodi in ay iska bixiyaan cashuurtooda.

Hadaba khilaafka dhextaagan ganacsada qaadka iyo maamulka kastamka kalabaydh ayaa sobobay in  maanta ilaa caawa uu kastamka ku dhex xanibnaadaan gaadiid badan oo sida qaad halka caawa ay kastamka hada ku sugan yihiin gaadiid qaad sida oo tiradoodu kor udhaafaysa ilaa lix gaadhi oo raran kuwaasi oo iyagu ka biyo diiday in qaadkooda la saaro miisaanka halka maamulka kastamkuna ay ku adkaysteen in aan xaydaabka kastamka aanu ka bixi karin qaad aan marin miisaanka taasi oo circa kusii shareertay khilaafkii labada dhinac, xanibtayna shaqadii ka socotay kastamka.

Amarka wasaarada maaliyada iyo maamulka kastamka kazoo baxay ayaa ka hor imanaya hawlihii shaqo ee ka socday kastamka taasi oo hore usobobay in qaad badani ka leexdo kastamka kalabaydh islamarkaana ay maraan kastamada kale ee dalka oo aan iyagu la dhigin wax miisaan ah.

Dhanka kale wararka aanu hada ka helayno kastamka kalabaydh ayaa sheegaya in ay kastamka goordhawayd soo gaadheen agaasimaha guud ee wsaarada maaliyada iyo xubno kale oo katirsan wasaarada kuwaasi oo ku hawlan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka cakiran ee ka taagan kastamka kalabaydh.

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WARARKEENA DANBE.

 

 

COMMENTS
LINKS