Jananka Ugu Sareeya Maraykanka Ayaa Sheegay In Ay Kulan Albaabada U Xidhan Yihiin Uu La Yeelanayo Madaxweynaha Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jananka Ugu Sareeya Maraykanka Ayaa Sheegay In Ay Kulan Albaabada U Xidhan Yihiin Uu La Yeelanayo Madaxweynaha Somaliland
March 11, 2022 - Written by Editor:

Xoghayaha Difaaca Sare ee Maraykanka Lloyd J. Austin, ayaa waxa uu sheegay in uu ku soo dhawaynayo Washington D.C,Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi, inta uu ku gudajiro safarka uu ku imanayo Washington bishan March.Lloyd J.Austin, ayaa sheegay in qodobka koobaad ee ay ka wadahadli doonaan Madaxweyne Bihi, ay tahay sidii dawlada Maraykanka iyo Somaliland ay uga wada shaqayn lahaayeen u gogol xaadhida dhul ah saldhig, loo qoondeeyo ciidamada Maraykanka, khaas ahaan ciidamada Badda iyo Cirka.

Saldhiga Berbera, ayaa lagu wadaa in uu ka balaadho saldhiga Camp Lemonnier, oo ah saldhiga wakhtigan ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka.

Lloyd J Austin, waxa uu sheegay in uu faahfaahin doono mustaqbalka Camp Lemonnier, oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin Djibouti.

Lloyd J. Austin waa Jananka ugu sareeya ee madaxa u ah ciidamada Maraykanka.January 22, 2021, ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, uu jagadan u magacaabay Major General Lloyd J.Austin.

Dhinaca kale, booqashada Madaxweyne Bihi, ayaa waxa ay timid iyada oo xukuumada Joe Biden, ay cunaqabatayn dhinaca Visaha ah ku soo rogtay xukuumada Muqdisho.

Source: Anderson George

XIGASHO; AHMED ADAM.

COMMENTS
LINKS