|
|||||
WAJAALE NEWS
Guul Kuu Dagatay Oo Aad Hanan Kari Wayday Guuldarro Waxba Ma Dhaanto!
March 29, 2022 - Written by Editor:Guushan sida wayn loo buunbuuniyay ee safarkii Madaxwayne Muuse iyo waftigiisu ku booqdeen dalka Maraykanka guul haba noqoto oo way fiican tahaye wuxu muran ka joogaa waa hanashadeeda. Maalmaha soo socda waxa la filayaa in Hargeysa ay ku soo fool leeyihiin wafuud kala duwan oo ka kala socda waddanada aynu odhan karno waa daneeyayaasha Somaliland ee ugu muhiimsan sida Maraykanka, Ingiriiska, EU iyo kuwo kale. Waxa ugu muhiimsan ee booqashooyinkoodu daaran yahay ayaa ah arinta doorashooyinka, gaar ahaan ta Madaxtooyada oo hore ay heshiis ugala gaadheen in wakhtigeeda ay ku qabsoonto 75% kharashka ku baxayana ay iyagu bixinayaan. Sida la og yahay Doorashada Madaxtooyadu waa tan keliya ee wax ka dhimani aanay dhamaan saamilayduna ay heshiiska ku ahaayeen, ka hor intii aanay wax iska bedelin dhinaca Madaxwaynaha oo ku kooban isaga, xukuumadiisa, iyo xisbigiisa oo ay ka soo yeedhaan hadalo iska soo kala horjeeda, mararka qaarna Madaxwaynaha ayaabu hadalkiisu yahay isburin iyo wax aan dhan loo qaado la garan karin. Xeer ahaan iyo wakhti ahaan iyo xataa farsamo ahaan wax aan midna suurogal u noqon karin ayaa dadka lagu soo dhex tuuray si loo jiho wareeriyo. Oo waa maxay? Waxa la odhanayaa doorashada ururada ayaa laga soo hormarinayaa doorashada madaxtooyada oo ka soo horaysa. Ka dib sadexda xisbi ee ka soo baxa ayaa doorashada madaxtooyada ku tartami doona. Wax ka jiraana ma jirto ilayn way iman runtu oo waxa inaga xigaaba waa dhawr bilood eh. Runtii xaqiiqadu sida ay sheegayaan maaha mana jirto doorasho ka soo hormaraysa Doorashada Madaxtooyada. Waxa laga yaabaa in muraadka keliya ee beenta la faafinayo looga jeedaa ay tahay in aanu Madaxwaynuhu doonayn doorashada madaxtooyadu in wakhtigeeda ay ku qabsoonto. Waxa kale oo iyaduna run ah hadii Doorashada Madaxtooyadu qabsoomi waydo oo Madaxwaynuhu Komishanka awood ku muquuniyo in doorasho kale oo dalka ka qabsoomi karta sanadkan aanay jiri doonin. Si hadaba doorashada Madaxtooyadu meesha uga baxdo muddo kordhin aan gar iyo daw midna ahayn oo aan la isla ogolayn qasab loogu meelmariyo wax ka badan maaha sheekada la wadwadaa. Taasina waynu naqaan oo waan in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo muran sharci oo bulshada Somalilandna ku kala qaybsanto weliba fidmana la dhexdhigo. Ka warama hadaba marka xaalku uu halkaa geeyo Muuse oo aynu ku naqaano in isaga tiisu ay bir ugu go’an tahay waxa kala qabsan doona bal cid kale wax iskaga tirin maayo eh daneeyayaashii Somaliland ee Dawladda Maraykanka ee booqashadii uu ku tegay guul uu ku faano kala soo noqday iyo Dawladda Ingiriiska iyo EU oo wacadkii uu la galay si badheedh ah isaga baalmaray. Saw waxa uu ku qasbi doonaa maaha in ay dib faraha uga laabtaan Somaliland ilaa wax heshiis lagu wada yahay la gaadhayo. Muuse guushan uu tirsanayo uu ku faanayo ee fandadsiyaha badnayd bal ogaada cadow kale oo aan isaga ahayn ma laha loogana biqi maayo eh. Nin aad taqaan waad la joogtaa baa la yidhiye, guushiisa uu tirsanayo car yaanu isagu u rogin guuldarro sideeda u taal Hadana labadii bilood ee ugu dambeeyay iyo ka badan way muuqatay in dhinaca Madaxwaynaha ay wax iska bedeleen oo aanu diyaar u ahayn in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigeedii ku qabsoonto balse doonayo in dib loo dhigo oo laga soo hor mariyo tu kale oo aan ilaa hadda wax u diyaarsani jirin khilaaf iyo muran xooganina ka jiro xeer ahaan, xili ahaan, iyo qorshe ahaanba. Hadaba anigoo ku farxsan guusha safarka uu ka soo laabtay shalay Madaxwaynuhu iyo waftigii uu hogaaminayay waxan anigu werwerka ugu wayn ka qabaa waa isbedbedelka mawqifka aan cadayn ee Madaxwayne Muuse marka aynu og nahay isburinta isaga hadaldiisa iyo iska horimaadka hadalkiisa iyo hadalada wasiiradiisa oo la og yahay in ay wada socdaan hadana uu dadka u tusinayo in aanay ku wada socon. Markaa waa guul aynu nishaahno safarkiisi Madaxwaynaha ah ma hanan karnaa guusha mise waxaynu noqon sidii nacaskii lumay ee markii la soo helay yidhi; “maxaa la igaga farfarxi saw beriba lumi maayo”. Sidaa daraadeed bal inta aynaan aad isaga sii farfarxin aynu ka dhursugno marka ay maalmahan gondaha isdhigaan Muuse iyo wufuudda daneeyayaasha Somaliland ee aynu soo sheegnay iyo halka Madaxwayne Muuse uu ka fadkudin doono waayo waxa ku xidhan xataa hanashada guusha aynu ku farfarfarxayno ee safarkan ugu dambeeyay ee Madaxwayne Muuse iyo waftigiisu ay ku booqdeen dalka Maraykanka. Muuse-na waynu naqaan oo inooma cusba tiisuna isaga bir bay ugu sii go’an tahay. Wufuudda ku soo foolka lihina waxa ku socdaan meelmarinta wixii hore la isugu ogaa oo haduu doono Muuse agtiisa aan wax jiraba ka ahayn Markaa saw ma idhaa waa halkii Hadraaeiye KUMA ARAG DARAANDARO MIDABADA ISDOORSHIYO SACABKIYO DURBAANKEE WAX INTAA KA DOOR ROON OO LA DUGSADO MA HAYSAA? ELECTIONWATCH QALINKII; CALI GUREY
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|