Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Keenaya Gubashada Guryaha Magaalada Wajaale Iyo Halista Xadhkaha Laydha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Keenaya Gubashada Guryaha Magaalada Wajaale Iyo Halista Xadhkaha Laydha!
March 4, 2022 - Written by Editor:

“Shirkadaha Laydhka Waxaan Usoo Jeedinayaa In Guryaha Jiingada ah Ee Laydhkoodu Ku Jiro Ay Tuumbo Galiyaan Xadhkaha Laydhka Ee Guriga Lagu Isticmaalo, Si Looga Badbaado Khatarta Ka Imanaysaa Dabkaa”Ex Wasiir Shucayb.

TOG WAJAALE(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha Somaliland Ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo maanlintii Shalay magaalada wajaale kaga qaybgalay Aas wadareed loo sameeyay qoys afar qof oo laba caruur ah iyo hooyadood iyo caruurta Edadoo oo ku nafwaayay dab qabsaday gurigii ay deganayeen magaalada wajale ayaa tacsi udiray ehelada qoyska isagoo ilaahay uga baryay in uu samir iyo iimaan kasiiyo.

EX Wasiir shucyab oo isagu booqday gurigii qoyskani ku gubtay.

Sidoo kale ex wasiir shucayb ayaa shacabka reer wajaale iyo xukuumada ugu baaqay in qoyskan masiibadu ku dhacday gacan gurmad loo fidiyo islamarkaana xukuumada iyo shacabka laga wada qayb qaato.

Dhanka kale ex wasiir shucayb ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha keenaya in dabka ka kacaya guryaha iyo halista xadhkaha laydhka oo aan loo samaynin wax udhexeeya jiingada guriga iyo xadhiga laydhka isagoo talooyin usoo jeediyay dadwaynaha guryaha degan iyoshirkadaha laydhka bixiya ee magaalada wajaale.

Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

Ugu Horayn Tacsi ;

Waxaan Maanta Ka Qayb Galnay Aaska afartii qof ee

Ku nafwaayay gurigii ku gubtay tog wajaale.

Waa geeri murugo badnayd

Waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janadii fardawsa

Ka waraabiyo ehelkii qaraabadiina samir ilaahay

Ka siiyo

Tolo soo jeedin:-

Shirkadaha laydhka waxaan u soo jeedinayaa in Guryaha jiingada ah ee laydhkoodu ku jiro ay tuumbo galiyaan xadhkaha laydhka ee guriga Lagu isticmaalo si looga badbaado Khatarta ka Imanaysaa dabkaa ay dabayshu jiingada ku Xoqayso kadibna jiingada qabsanaya.

“Dadka reer wajaale waxaan u soo jeedinayaa in Guryaha jiingada ah ee ay dhisanayaan ay ugu Talo galaan Albaabo haddii dhibaato timaado Ay deg deg uga bixi karaan

Ganacsatadana reer wajaale iyo xukuumadaba waxaan u soo jeedinayaa in Dadka dhibaatadu soo gaadhay ay gacan siiyaan.

WAJAALENEWS DESK

 

 

COMMENTS
LINKS