DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Gabiley Marxuum Rashiid Cumar Sheekh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Gabiley Marxuum Rashiid Cumar Sheekh.
March 2, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Alle ha,Unaxariistee waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee Galbeedka magaalada hargaysa aas qaran loogu sameeyay Marxuum Rashiid Cumar  Sheekh Muxumed Warsame(Rashiid Xaraaro) oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada hargaysa.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qaybgalay taliyaha guud ee ciidanka qaranka somaliland S/G Nuux Ismaaciil Taani, Maayarka Magaalada Gabiley, Xildhibaano ka kala katirsan golaha wakiilada somaliland,golaha deegaanka Degmada Gabiley, masuuliyiin ka socday xisbi xakimka kulmiye xildhibaano katirsan golaha deegaanka Degmada gabiley,Madax-dhaqameed, culimo Awdiin iyo boqolaal kamid ah shacabka somaliland ee Hargaysa iyo Gabiley.

Masuuliyiinta, xildhibaanada iyo shacabka kasoo qaybglay aaska ayaa ka waramay taariikhdii uu marxuum rashiid sheekh cumar ku lahaa halgankii dalka lagu xoreeyay ee snm iyo dib udhiskii dalka isagoo xilal kala duwn kasoo qaybtay gobolka gabiley oo uu ka noqday badhasaab iyo xoghayihii dawlada hoose ee gabiley wakhtigii dalka dib  loogu soo noqday.

Dhamaan masuuliyiinta iyo waxgaradka ayaa marxuumka ilaahay uga baryay in uu janatul farduusa ka waraabiye iyo qoyskii iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaanka kasiiyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA AASKA MARXUUM RASHIID SHEEKH CUMAR;

COMMENTS
LINKS