Al shabaab Oo Sheegtay In Ay Magangalyo Siiyeen Sheekh Aadan Sune Iyo Qoyskiisa Oo Dhawaan Ka Cararay Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al shabaab Oo Sheegtay In Ay Magangalyo Siiyeen Sheekh Aadan Sune Iyo Qoyskiisa Oo Dhawaan Ka Cararay Somaliland.
March 22, 2022 - Written by Editor:

Muqdisho(W,N)-Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay deegaanadooda kusoo dhaweeyeen Sheekh Aadan Sunne Iyo qoyskiisa oo dhawaan si dhuumasho ah uga guuray caasimada hargaysa oo uu deganaa,

Warar lagu faafiyay baraha internetka Alshabaab ayaa lagu sheegay inay kooxdu magangalyo siisay Sheekh Sunni iyo qoyskiisa oo ay sheegeen inay u tageen deegaanadda Alshabaab inay ka qeyb qaataan waxay ugu yeedheen fidinta dacwadda Diinta Islaamka.

 

Alshabaab ma sheegin meesha uu ku sugan yahay Sheikh Sunne, balse waxay sheegeen inuu socdaallo ku maridoono gobolada Soomaaliya ee ay kooxdu gacanta ku hayso.

Sheekh Sunne oo dhawaan lagasoo siidaayay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa isaga iyo qoyskiisa usoo baxsaday Soomaaliya. Wuxuu wareysi uu siiyay BBC Soomaali u sheegay inuu si rasmi ugu biiray Alshabab.

 

COMMENTS
LINKS