Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Qorshaynta Jsl Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Qaatay Madax Ka Socota Haayada Qaramada Midoobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Qorshaynta Jsl Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Qaatay Madax Ka Socota Haayada Qaramada Midoobay!
March 19, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Agaasimaha Guud ee wwasaarada qorshaynata qaranka somalland axmedyaasiin muxumed xasan ayaa ka warbixiyay kulan uu xafiiskiisa kula qaatay saraakiil ka socotay haayada qaramada midoobay iyo arimaha ay ka wada Hadleen.

Wuxuna udhignaa Sidan;

“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xafiiska Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarka Qaranka laba sarkaal oo ka socday Qaramada Midoobay.

Labadan sarkaal ayay magacyadoodu kala ahaayeen, Nasuru Magom oo ah la taliye arimaha Shrciga ah iyo Hunter Fraser oo isna ah khabiir ka socday xafiiska UNSOM-UNDP.

Ujeedadda aasaasiga ah ee kulankan ayaa ahaa sidii loo samayn lahaa diiwaan lagu uruuriyo khataraha mustaqbalka Somaliland soo wajahi kara iyo qorshayaasha mid kasta munaasib ku ah in lagaga gaashaanto.

Arintani waa muhiim waayo is badalo dhinacyo badan leh oo xawliyaa dunida socda oo u baahan fiiro iyo cilmi baadhisyo joogta ah.

COMMENTS
LINKS