|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Ka Waramay Sobobta Uu Dalka Uga Baxay Iyo Duulaanka Ay Xukuumadu Kusoo Qaaday!
March 8, 2022 - Written by Editor:“Hanjabaada Iyo Dagaalka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Kusoo Qaaday Qoyskayga Iyo Asxaabtayda Qaarkood, Si Aan Uga Badbaadiyo, Ugana Hor Tago Mushkilad Kale, Waxa Aan Xal U Arkay In Aan Dalka Ka Baxo”Abwaan Cabdiraxman Abees.HARGAYSA(W,N)-Abwaan cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ahaa qqoraha buuga mayal ee ay xukuumadu buugaaqtii laga soo daabacay ay ku xanibtay madaarka caasimada hargaysa islamarkaana dhawaan dalka iga baxay kadib markii ay soo foodsaartay cadaadis iyo hanbaado uga imanaya dhinaca xukuumada madaxwayne biixi islamarkaana la xidhay walaalkii ayaa faah faahin sobobta uu dalka uga baxay. Qoraal uu caawa Abwaan cabdiraxmaa abees ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ayuu kaga xogwaramay bixitaankiisa iyo arimaha keenay wuxuna udhignaa Sida; Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Sii Daynta Walaalkay Waxay ku Xidhnayd Ka Bixistayda Dalkayga Hooyo. Muddo shan sanno ah baa aan ku sugnaa Somaliland. Shanta sanno shaqsiyan wax walba oo aniga gaar ii soo gaadha diyaar baa aan u ahaa, wixii aan kula kulmana hadday tahay xadhig, dhib iyo hagardaamaba wax aan u badheedhay baa ay ahayd, waxa aanan aaminsanahay in aan caddaalad-darro iyo dulmi uun diidana. Haddaba, muddooyinkii u danbeeyey dhibtii aniga waa ay i soo dhaaftay, waxa xukuumaddu u gudbisay qoyskayagii iyo asxaabtaydii. Waxa dhawr maalmood ka hor askari u daadatay nin aannu saaxiibnahay, oo buugga “Mayal” nuqulo ka mid ah ila qaybinaayay, sidoo kale waxa sirdoonku dabagaleen oo hanjabaad la daba taagnaayeen Abwaan Cabdishakur Axmed Cabdi Caateeye oo la ii tirinaayay, in uu isagu idiin warramana waan jeclaa. Sabtidii taariikhdu ahayd 05. 03. 2022, waxa tobankii subaxnimo qaar ka mid ah ciidanka sirdoonku afduubteen walaalkay iga yar Noradin Abees, oo inta indhaha laga xidhay la geeyay qol madow. Waxa la weyddiinaayay arrimo aniga igu saabsan, sida, Cabdiraxmaan gaadhigiisii maalmahan guriga ma yaallo, ee xagguu geeyay? Buuggaagta la qaybiyay ee baxay waa imisa? Maxaa uu u soo bandhigi waayay buugga? Maxaa uu u soo dhigay qoraalka noocaas ah? Maxa uu ku hawlan yahay? IWM. Su’aalaha aniga waa i weyddiin karaayeen oo ma dhuuman, daqiiqad walba sirdoonkoodu halka aan joogay waa ka war hayeen. Muddoba xukuumaddu waxa ay ka shaqaynaysay sidii aan dalka uga baxi lahaa, markii ay ogaadeen in aanan cagojugleyn, xadhig iyo wixii la mid ah ee kale midna ka baqanaynin waxa aan aaminsanahay, ayaa ay bilaabeen daandaansi hor leh iyo in qoyskayaga iyo asxaabta inta aan isku xidhanahay la dhibo. Ujeedooyinka laga leeyahay tana waa cabsi gelin ama in aan uga falceliyo si khaldan, taas oo iyaga xadhiggayga gar u siinaysa marka la taagan yahay aragtida guud ee bulshada (rayul caamka). Sidaa darteed, waxa Aan fahmay haddii aan dalka ka baxo in walaalkay ay soo dayn doonaan, inta aan Joogana uu inanka yar ee aan waxba galabsani uu xidhnaan doono, oo labada ayaa isku xidhnaa, subaxay Xidheen ayaa aan baxay gelinkiisii danbe, oo ay soo daayeen iyaguna. Ilaa hadda waxa ay sirdoonku ka haystaan Nuuradiin tilifoonkiisii gacanta. Naxdinta, hanjabaada iyo dagaalka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku soo qaaday qoyskayga iyo Asxaabtayda Qaarkood Si Aan Uga Badbaadiyo, Ugana Hor tago Mushkilad kale oo dhankan kalana ka timaadda darteed waxa aan xal u arkay in lagama maarmaan ay tahay in aan dalka ka baxo. Ta kale ee aan ka hortagayna waa in ujeeddadii weynayd ee aan siday wax ka duwan aanay iiga leexin. Sidii roon Allahayoow. Qore; Abwaan cabdiraxmaan Ibraahim Abees. Related posts:Warshada Sharaabka Ee SBI Oo Qaaday Talaabo Lagu Dhiiri Gelinayo Wax Soo Saarka Dalka, Deeq Dhirta S... Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yuusuf Cilmi Ayaanle Oo Ku Geeriyooday Magaalada Adis Ababa... DAAWO; Badhasaabka Gobolka Sool Oo Ka Warbixiyay Xaaladihii Ugu Danbeeyay Deegaanka Tukaraq Iyo Fari... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|