|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubin katirsan komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Iscasilay Iyo Xisbiga Uu Kasoo Jeeda + Sobobta Keentay Iscasilaadiisa?
February 12, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iska casilay xilkii xubinnimadii Guddida Doorashooyinka qaranka ee uu ka tirsanaa. Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan sababta keentay inuu xilligan iscasilo Cabdifataax Ibraahim Xasan xubinnimadii komishanka doorashooyinka qaranka isagoo Ahaa xubintii Uu xisbiga mucaaridka ee UCID usoo xulay kamid noqoshada gudida doorashooyinka oo markii labaad ku metelayey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo haatan hawlo waaweyn horyaallaan, oo ay kamid tahay diyaarinta doorashada madaxtooyada. Iscasilaada komishaneer cabdifataax ayaan ilaa hada la ogoyn ujeedada ka danbaysa iscasilaadiisa iyo wxyaabaha ku kalifaytoona. Wixii kasoo kordha iscasilaada xubinta katirsan komishanka doorashooyinka qaranka kala soco wararkeena danbe.
Related posts:Siyaasiyiinta Somaliland Wax Ha Ka Bartaan Qaabkii loo Xalliyey Xanaftii Ka Dhalatay Doorashooyinkii... Wefti Ka Socday Dalka Ethiopia Iyo Xubno Kamida Wasiirada Somaliland Ayaa Maanta Waxay Kormeer ku S... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Dadkii Shacabka Ee Gaadiidkooda Lagu Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|