|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubin katirsan komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Iscasilay Iyo Xisbiga Uu Kasoo Jeeda + Sobobta Keentay Iscasilaadiisa?
February 12, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iska casilay xilkii xubinnimadii Guddida Doorashooyinka qaranka ee uu ka tirsanaa. Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan sababta keentay inuu xilligan iscasilo Cabdifataax Ibraahim Xasan xubinnimadii komishanka doorashooyinka qaranka isagoo Ahaa xubintii Uu xisbiga mucaaridka ee UCID usoo xulay kamid noqoshada gudida doorashooyinka oo markii labaad ku metelayey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo haatan hawlo waaweyn horyaallaan, oo ay kamid tahay diyaarinta doorashada madaxtooyada. Iscasilaada komishaneer cabdifataax ayaan ilaa hada la ogoyn ujeedada ka danbaysa iscasilaadiisa iyo wxyaabaha ku kalifaytoona. Wixii kasoo kordha iscasilaada xubinta katirsan komishanka doorashooyinka qaranka kala soco wararkeena danbe.
Related posts:Dhaqaale Loo Uruurinayo Haweenka Murashaxiinta Ee U Tartamaya Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Madaxweyne Ku xigeenka Jsl Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Dr Maxamed... Xildhibaan Sheegay Inay ka Noqonayaan Muddo Kordhintii Ay sameeyeen Xukuumada Biixi Haddii Beesha C... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|