Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay ka wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay ka wada Hadleen!
February 16, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Hoggaanka Sare Ee labada Xisbi Mucaarad Ee WADDANI iyo UCID ayaa galabta  kulan la qaatay wefti culus oo ka socday Waddamada Beesha Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo horumarka oo Hargeysa ku sugan. Kulanka waxa  lagaga wada hadlay sidii doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan ee sanadkan 2022 si habsami leh wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaana loo dardar gelin lahaa dhammaystirka wixii caqabado ah.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa hannaanka u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeedii oo ay ugu horreynayso nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muhiim u ah doorashooyinka.

Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa sida oo kale weftigan oo isugu jira Safiirro iyo madaxda hay’ado kala duwan kala hadlay sidii Beesha Caalamku gacan weyn uga gaysan lahayd gurmadka xaaladda abaaraha ee Somaliland ka taaggan xilligan.

Kulankan ayaa inta badan isku aragti lagaga ahaa arrimaha lagaga hadlay ee abaaraha iyo doorashooyinku udub dhexaadka u ahaayeen, Weftigan ayaa ka koobnaa safiirrada Midawga Yurub, Sweden, Denmark, Finland, Norway, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo saraakiil kale.

 

 

COMMENTS
LINKS