Xisbiga Ucid Oo Soo Magacaabay Xubinta Umatalaysa Komishanka Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Ucid Oo Soo Magacaabay Xubinta Umatalaysa Komishanka Doorashooyinka
February 14, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee  UCID ayaa  soo buuxiyay xubintii komishanka doorashooyinka oo dhawaan iska casilay xubnii hore xisbiga ugeeyay iyagoo usoo xulay Ibraahim Aadam Cali (Ibraahim Macalin), inuu ahaado Xubinta Xisbiga UCID ee komishanka doorashooyinka Qaranka,kadib markii uu is-casilay Cabdifataax Ibraahim Sheekh.

Xisbiga ayaa maanta u gudbiyay madaxweynaha xubinta cusub.

 

COMMENTS
LINKS