Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Waa Guulwayn Iyo Halis Diblomaasiyadeed Oo Isbarkan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Waa Guulwayn Iyo Halis Diblomaasiyadeed Oo Isbarkan!!
February 11, 2022 - Written by Editor:

Jamhuuriyada Somaliland Iyo Taiwan xidhiidhkoogu waxa uu soo bilaabmay xili hore oo ay dalka ka talinaysay xukuumadii UDUB ee uu hogaaminayey madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.

Laakiin waxa ay markii ugu horeysay si dhab ah xidhiidho diblomaasiyadeed iyo xafiisyo isku waydaarsadeen labada dal  Aug 2020 oo laga furey Hargeisa iyo Taipei , waxaa arinkaasi dhaliyey in ay dawlada weyn ee China isweydiiso horta Somaliland waa ayo ? Sidoo kale ay digniin ka soo saartay in dhulweynaha China midnimadiisa la ixtiraamo.

Waxaa aad u qaadaa dhigey aduunka oo dhan waxaana uu yeeshay xidhiidhkaasi saameyntiisa,  Xafiiska Taiwan ee Hargeisa waa ka Geeska Africa iyo wadamo kaleba Taiwan kala xidhiidho markaa aad buu muhiim ugu yahay in Taiwan ay Somaliland is garabsadaan.

Dhinaca kale China oo ah quwada aduunka ugu weyn ee Dhaqaale ahaan iyo dad ahaan ba qabsan doona aduunka marka loo eego kobocooga labaatanka sanadood ee soo socda Waxaa ay u eeg tahay in Somaliland khatar qaadatay .

Maraykanka iyo China oo gobolka Geeska Africa iyo guud ahaan Aduunkaba ku tartamaya ayaa ay suuragal tahay in uu qadiyada Jamhuuriyada Somaliland si toos ah u taageero oo indhaha caalamka tuso in Somaliland xaq u leedahay aqoonsi caalamiya.

Waxaa laga yaabaa in Geeska Africa kala noqdo xulafooyin siyaasadeed oo la kala safan quwadaha aduunka ee Gobolka ku tartamaya maadaama uu xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadu yahay in dalwaliba dantiisa raacdo.

Taiwan waxaa lagu tiriyaa hoyga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka ee bariga fog , sidoo kale waxa ay horumar ka gaadheen xaga technology ga casriga ah , wershadaha , iyo guud ahaan kaabayaasha wax soo saarka ee lagu horumaro , waxaana ay Somaliland tari kartaa wax weyn.

Isku soo wada xoori xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Taiwan waxa uu u muuqdaa guul iyo halis is barkan , sababta oo ah China hadii uu dagaal diblomaasiyadeed iyo Mid dhaqaale Somaliland la galo waa in aynu haysanaa quwad kale oo aynu garabka saarno oo inaga dhicisa.

QALINKII; Hogaamiye Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

 

COMMENTS
LINKS