“Wasaaradu Waxaanu Ka Rajaynayay Ka Degmo Ahaan Tacabkayagii In Ay Sheegto, Gabiley Iyadaa Soo Codsatay In Master Planeka Loo Sameeyo, Lacagtii Ku Baxaysayna Bixisay”Maayarka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasaaradu Waxaanu Ka Rajaynayay Ka Degmo Ahaan Tacabkayagii In Ay Sheegto, Gabiley Iyadaa Soo Codsatay In Master Planeka Loo Sameeyo, Lacagtii Ku Baxaysayna Bixisay”Maayarka Gabiley.
February 9, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo ka qaybgalay munaasibad Uu Madaxwaynaha Somaliland goob joog ahaa oo wasaarada Hawlaha guud iyo Guryayta Magaalooyinka Gabiley, boorama iyo laascanood  ugu wareejinaysay qorshe magaaleedka master planeka ayaa wasaarada hawlaha guud uga mahad celiyay shaqadaasi ay qabatay.

Sidoo kale maayarka gabiley ayaa ka hadlay dalabkii maamulka gabiley ee ahaa in master plane loo sameeyo Degmada gabiley islamarkaana ay iyadu bixisay dhaqaalihii ku baxay.

Dhanka kale maayarka gabiley ayaa ka hadlay faa,iidooyinka ay gabiley ka heshay samayta master planeka magaalada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS