Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Tiawan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Tiawan.
February 7, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada JSL ayaa u ambabaxay dalka Taiwan, kaasi oo casuumad rasmi ah ka helay dawladda Taiwan.

Weftigan oo ka kooban, Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr Ciise Kayd, Wasiirka horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga JSl Md Siciid Sulub Maxamed, iyo Wasiirka qorshaynta Qaranka JSL Md Cumar Cali Cabdillaahi kuwaasi oo mudada ay joogaan la kulmi doona Madaxwaynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-Weng, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Taiwan.

Sidoo kale,waftigu waxa uu la kulmi doonaa madaxda hay’ada Taiwan ICDF, shirkada CPC, iyo shirkada CECI oo cisbitaal casri ah ka hirgalin doonta Somaliland. Booqashada Weftiga JSL waxay dardar galinaysaa xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, Waxsoo saarka iyo ganacsiga oo labada dalba mihiim wayn u leh.

 

COMMENTS
LINKS