|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadaha Ku Bahoobay Xadhiga Fiper Optic Oo Kulan Ku Yeeshay Xarunta Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Heshiishyada Ay Qalinka Ku Duugeen.
February 16, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Shirkadaha ku bahoobay heshiisha xadhiga bada hoose mara ee Fiper opticga Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta wasaarada isgaadhsiinta oo uu goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada isgaadhsiinta oo iyadu gadhwadeen ah habsami usocodka heshiishka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee Dahabshiil, Telesom Iyo Somcable oo iyadu ah shirkadii dalka keentay xadhiga internetka qaada ee fiper optic ah.
Kulanka maanta Ayaa kulunkii ugu horeeyey ee dhinacyada ku bahoobay heshiiska wadaaga xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga uu ka qabsoomay xarunta guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan dhinacyadda heshiisku ayaa maanta lagu aas-aasay shirkadda maamulaysa xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga oo yeelan doonta golaha maamulka ee sare (board of directors) iyo maamul iyo shaqaale kale oo maarayn doona isticmaalka xadhiga fiber-ka ee dhinacayada heshiiska iyo cida kale ee danaynaysaba. Kulankan ayaa sidoo kale waxa dhinacyada heshiisku ku saxeexeen heshiiska saamilayda (shareholder agreement). Heshiiska ay toddobaadkii hore galeen shirkaduhu oo ay ku bahoobeen sidii ay u wada isticmaali lahaayeen kaabayaasha kala duwan ee fududaynaya adeegyada shirkaduhu bixiyaan ayaa ah mid bogg cusub u furay wada shaqaynta iyo isku soo dhawaanshaha shirkadaha oo ay dan badani ugu jirto shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Aragtida Wasaaraddu waa in mar kasta la fududeeyo nidaamka ganacsiga ee shiradaha isgaadhsiinta, si adeega bulshada gaadhayaa u fududaado islamarkaana ula jaanqaado isbedelka tiknoolajiyadda ee adduunka. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|