Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Xadhiga Ka Jaray Biyo Xidheenka Ay Ka Hirgalisay Wabiga Niileka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Xadhiga Ka Jaray Biyo Xidheenka Ay Ka Hirgalisay Wabiga Niileka.
February 20, 2022 - Written by Editor:

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray dhaamkan oo ah mid muhiimad ballaadhan u leh shacabka tirada badan ee Itoobiya iyo wadamada la jaarka ahba.

Dhaamkan waxa lagu dhisay aduun lacageed oo kor u dhaafaya $4 billion, waxaana dhismihiisa lasoo waday tobankii sanno ee lasoo dhaafay.

74 billion cubic meter oo biyo ah ayuu qaadayaa dhaamkani waana xaddi biyo ah oo ay walaac xoogan ka qabaan wadamada kale ee hela biyaha webiga Niil oo uudb dhexaad u ah dhaamkan.

Abiy Axmed ayaa goob joog ka ahaa korontadii ugu horaysay ee laga dhaliyay dhaamkan oo ahayd 375 MegaWatta.

COMMENTS
LINKS