“Muuse Isaga Waa Lagu Yaqaan Oo Isagu Ma Sameeyo Inta Ugu Yar Ee Tanaasul Ah, Oo Waaba Ceeb Xaggiisa, Markaa Dabcan Maxamuud In Isagu Uu Tanaasulay Baa Run Ah,”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muuse Isaga Waa Lagu Yaqaan Oo Isagu Ma Sameeyo Inta Ugu Yar Ee Tanaasul Ah, Oo Waaba Ceeb Xaggiisa, Markaa Dabcan Maxamuud In Isagu Uu Tanaasulay Baa Run Ah,”Cali Guray.
February 15, 2022 - Written by Editor:

HORTA KEE BAA TANAASULAY!!SIYAASI CALI GURAY

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali guray” oo ka foolaaday kulanka madaxwane biixi iyo siyaasi maxamuud xaashi iyo ka ay muuqato in uu ka tanaasulay aragsidii siyaasadeed ee kala kaxaysay. wuxuna udhigaa Sidan;

Laba shalay ay cadaawad siyaasadeed ka dhexaysay in maanta ay dhinac ka soo wada jeedsadaan maaha wax lala yaabo waayo siyaasadda ayaan sideedaba lahayn saaxiib iyo cadaw joogto ah midna. Balse waxa muhiim ah in uu jiray arin lagu kala taganaa oo markii laga wada hadlay laga heshiiyay.

Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi sida aan u arko ma jirin wax kale oo ay isku hayeene waxa kala leexiyay dano ay kala lahaayeen. Hadii kulankani soo af jaray khilaafkoodii waxa cad in aanu jirin gorgortan siyaasadeed oo dhexmaray oo ku soo dhamaaday; wax ka tag waxna ha lagaaga tago ama “give and take”. Markaa heshiisku wuxu ku yimi isu tanaasul ee kee baa tanaasulay ma Madaxwaynaha mise Maxamuud Xaashi?

Muuse isaga waa lagu yaqaan oo isagu ma sameeyo inta ugu yar ee tanaasul ah oo waaba ceeb isaga xaggiisa. Bal isagii oo Madaxwayne ahna ka warran?. Markaa dabcan Maxamuud in isagu uu tanaasulay baa run ah, hadii kale may heshiinin bay ka dhigan tahay.

Sida ay 90% u badan tahay Muuse Biixi waa musharax markii labaad doorashada 13 November halka Maxamed Kaahin isaguna uu noqon doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Maxamuud Xaashi markaa wax kale uma furna ee waa in doorashada uu dhiso Muuse Biixi ka dibna hadii uu doono urur siyaasadeed uu furto balse lagama yaabo in uu u gudbi karo ururkiisu Xisbi Qaran. Dhinaca kale waxaaba ku adkaan karta sida taageerayaashii uu isagu hormoodka iyo ceelalyadaba u ahaa marka uu kula noqdo faro madhan ama xil (Wasiir) oo Muuse Biixi u magacaabay.

Sidaa daraadeed saaxiibkay Maxamuud waxa uu ku qancay anigu maan garan eh waxaba talo dhaama Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu ku guulaystay in uu gudoomiye ka noqdo Xisbiga WADDANI oo aan doorkan loogaba dhawayn in uu ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada hadii Allah Awoodda lihi ogolaado weliba Cabdiraxmaan dabadii laga yaabo in uu ku soo qaado musharnimada. Markaa Xirsi miyaan la odhan karin isaga ayaa ka rajo fiican mustaqbalka siyaasadda mise wax kalaa u qarsoon?

COMMENTS
LINKS