Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka Oo Xabsiyo Daadheer Ku Xukuntay Saddex Nin Oo Soomaali Ah Oo Loo Haysto Kufsi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka Oo Xabsiyo Daadheer Ku Xukuntay Saddex Nin Oo Soomaali Ah Oo Loo Haysto Kufsi!
February 3, 2022 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N)-Maxkamad ku taalla magaalada St. Cloud ee dalka Maraykanka ayaa xabsiyo dhaadheer ku xukuntay saddex nin oo Soomaali oo lagu soo eedeeyay in ay geysteen fal dambiyeed isugu jira afduub iyo kufsi.

Maxkamadda ayaa ku xukumay Maxamed Xasan Cabdi oo 24 jir ah in ka badan 27 sanno oo xadhig ah, Cabdiraxiin Cumar Cali oo 22 jir ah 30 sanno oo xadhig ah, halka Sahal Cabdi Xasan oo 25 jir ah lagu xukumay 15 sanno oo xadhig ah..

Raggan ayaa haweeneyda ka afduubay badhtamaha magaalada St. Cloud, waxayna u kaxeeyeen meel beer ah halkaas oo ay ku kufsadeen.

Baadhitaan DNA oo lagu sameeyay shahwada raggan, ayaa lagu ogaaday in dhammaantood ay ku lug lahaayeen fal dambiyeedka kufsiga oo dhacay dabayaaqada sannadkii hore ee 2021.

Boolisku waxay sheegeen in muqaallo la helay ay ka caawiyeen in la aqoonsado gaadhiga ay la socdeen raggan, kaas oo yaalay kaalin shidaal oo u dhow goobta fal dambiyeedku ka dhacay.

Dhammaan saddexda nin ayaa la arkayay iyagoo gelaya xarunta shidaalka dhowr jeer habeenkii oo dhan ah, taasoo ku beegnayd waqtiga weerarka.

 

COMMENTS
LINKS