|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti Iyo Nuxurka Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxwayne Geele.
February 21, 2022 - Written by Editor:Jabuuti-(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.
Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi. Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Related posts:Madaxwaynaga Jabuuti Oo Codheer Ugu Sheegay Al-shabaab In Anay Ciidamadiisu Ka Baxahayn Somaliya Int... DAAWO;-Muj Boobe Oo Markale Ka Hadlay Arimaha Wadahadalka, Xukuumada Jsl Uga Digay In Ay Sharciyayso... Xildhibaan Chris Smith Oo Somaliland Ka Dhex Ammaanay Dood Kongreska Maraykanku Ka Yeeshay Doorashoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|