“Maanta Qaarbaa Innagu Leh Sicir Barar baa Jira Ee Ka Mudaharaada, Dee Waa Wax Aad Loola Yaabo Saw Maaha”Wasiir Toorno | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maanta Qaarbaa Innagu Leh Sicir Barar baa Jira Ee Ka Mudaharaada, Dee Waa Wax Aad Loola Yaabo Saw Maaha”Wasiir Toorno
February 21, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa si layaab leh waxa uu uga hadlay xaaladda Abaarta iyo Sicir bararka saameeyey nolosha shacabka Somaliland isaga oo sheegay in Sicir Bararka aan cidna lagu eedayn Karin ee uu yahay arrin adduunka oo dhan ka taagan waxaanu gaar u soo qaatay shidaalka oo uu sheegay in Somaliland meel dhexe ku jirto oo dalalka ugu badani ay ka qiimo qaalisan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ka hadlayay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee lagu xasuusto dhallinyaradii UFFO ayaa waxa uu xukuumada si hadal hayn badan dhalisay uga difaacay eedaha dhinaca sicir bararka iyo adeegga Bulshada. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi:

“Maanta qaarbaa innagu leh sicir barar baa jira ee ka mudaharaada, dee waa wax aad loola yaabo saw maaha. Raggii halgankaa soo maray iyo kuwii xabaddaa soo maray ee dulmigaa ka dagaalamayay ee ay halkan Wasiir Maxamed Kaahin iyo rag kale ay innagala joogaan ninka inta uu soo hor fadhiisto odhanaya dulmi baa jira oo Sicir Barar baa jira ee Mudaharaada waad la yaabaysaa marmarka qaar waxaan is idhaa maanay waxba kala xishoonayn. Illayn qofka haddii aanad xataa ixtiraam u hayan caqligiisa iyo garaadkiisa waa in aad ixtiraamto. Maanta waxaan eegay shidaalka adduunyada 167 dal oo loo kala horraysiiyay sicirkoodu sida uu u kala qaalisan yahay. Somaliland kuma jirto iyo waddamo badan oo kale ayaan ku jirin waxa kale oo aan soo maray suuqa Hargeysa kaalmaha shidaalka ayaan waydiiyay aniga oo awalba ogaa waxaan is idhi labadii cisho ee aanad waydiin bal in uu is baddal kale yimid. Waxa innaga qiimo jaban 51 waddan 115 waddana waa ay innaga shidaal qaalisan yihiin. Ninkii xogtaasi doonayow meel walba way taallaaye eeg.

51-ka waddan ee innaga shidaalka jaban intooda badan waa kuwa soo saara Baatroolka ee waddamadooda laga soo saaro Baatroolka. Aadbay u yar yihiin waddamo aan dalalkooda shidaal laga soo saarin oo innaga shidaal jabani aadbay u yaryihiin. Intaa ninka siyaasad ka dayayaa, shidaalkaa qaali garayntiisu waxa ay ka timid adduunyada oo dhan. Waxa aad maqlaysaa iyada oo la leeyahay sicir barar, intaadee wuu kordhaa sicir bararku marka uu ku yimaad wax saamaynteena ka baxsan iyo marka uu ku yimaad wax aynu kaantarooli karayno waa in aan la isku qaldin. Roobka Ilaahay baynu ka baryaynaa laakiin cid laguma eedayn karo” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

 

COMMENTS
LINKS