LAABSAALAX BI NIYA SAALAX;”Carooga Saboolka, Codkii Dadka Baahan, Adaa Cudha Haysta”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
LAABSAALAX BI NIYA SAALAX;”Carooga Saboolka, Codkii Dadka Baahan, Adaa Cudha Haysta”Cali Guray.
February 16, 2022 - Written by Editor:

“Wasiirku Wuxu Uhadlay Si Qayrul-masuulnimo ah Oo may Ahayn, Gari Allay taqaan eh, Danyartii Ucabatay in Iyagii Uu Dib Ucanaan Iyo Aflagaado Ugu Jawaabo”Siyaasi Cali Guray.

Siyaasi Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta Reer Somaliland ayaa taageeray hadalkii dareenka bulshada ka turjumayay ee xildhibaan xasan dhuxul ugu dhawaaqay in bulshadu iskugu soo baxdo banana bax salmiga xarunta golaha wakiilada horjeeda isagoo dhanka kale qayrul masuul ku tilmaamay hadalkii wasiir kuxigeenka ganacsiga kazoo yeedhay ee uu ugu jawaabay danyarta sixirbararka ka cabanaysa iyo xildhibaan xasan dhuxul.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu kaga hadlay arimahaasi ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookgu wuxuna udhignaa Sidan;

“Xildhibaanka inta aan lagula boodin hadalkiisa waxa muhiim ah In laba sua’aalood la iswaydiiyo. Maxaa ka keenay? Muxuuse uga dan leeyahay?

Sida aan u arko Xildhibaanka marka ugu horaysa waxa dareenkiisa taabtay kor u kaca qiimaha badeecadaha sida tooska ah u taabanaya nolosha muwaadinka gaar ahaan kuwa danyarta ah ee cirka isku shareeray xili xoolo-dhaqatadii reer miyiga ahayd ay u dheer tahay waayo jiilaal oo ku habsaday dad iyo xoolana biyo la’aan ay oon iyo harrad la dalandoolayaan. Hadda ogaada Xildhibaanku waa halabuur dareen nugul oo caadifiyadiisu maaha sida dadka caadiga ah falcelintiisuna tix iyo tiraabba waxay ka tarjuntaa dareenkiisa runta ah oo keliya ee ha idinku ha ula kicina siyaasad iyo wixiinii xilka lahaa ee muxaafid iyo mucaarid ee dib ugu noqda suugaantiisii hore iyo hadalkiisu aniga way isu kay qabteen oo kuma jirto wax isburin ahiye.

Malaha dareenka Xildhibaanka waxa kale oo sii damqay Jawaabtii Wasiirka Ganacsiga markii ay gaadhay cabashadii dadwaynuhu oo si aan laaqi ahayn cadho-na ay ku jirtay oo dabcan qof kasta oo ah muwaadin saalax ahba ka nixiyay waayo Wasiirku sidii uu u hadalay wuxu heli karayay si ka wanaagsan uu u hadli karo. Wasiirku wuxu u hadlay si qayrul-masuulnimo ah oo may ahayn, gari Allay taqaan eh, danyartii u cabatay in iyagii uu dib u canaan iyo aflagaado ugu jawaabo. Marka ay sidaa tahay hadalka Xildhibaanka waa sax ujeedada uu ka lahaana may ahayn wax ka badan in ay dareenkooda ku cabiraan hadalkii wasiirkana kaga jawaabaan isu soo bax si codkoodu u gaadho cid kasta, dawlad ganacsato, ilaa Haya’daha kale iyo Beesha Caalamka

Sua’aasha ugu dambaysaa waxa weeye ma jiraan wax ka qaldanaa hadalka Xildhibaanka? Anigu haa baan leeyahay laakiin maaha mabda’i ee waa habka uu ugu baaqay isu soo baxa iyada oo aan wax qabanqaabo iyo xataa wacyigelin ah la gelin. Isu soo baxa iyo mudaaharaad salmi ahina waa xaq uu muwaadiniinta u damaanad-qaaday Dastuurka Somaliland. Sidaa daraadeed Laabsaalax hadalkiisa waxan u qaatay BI NIYA SAALAX

WAXA QORAY; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GUREY”

HARGEYSA, SOMALILAND

COMMENTS
LINKS