Kulankii Labaad Ee Kal-fadhiga 4Aad Ee Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Qodobada Kasoo Baxay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii Labaad Ee Kal-fadhiga 4Aad Ee Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Qodobada Kasoo Baxay .
February 26, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Golaha deegaanka degmada gabiley ayaa maanta yeshay kulankii labaad ee kalfadhiga golaha kaasi oo ay kazoo xaadireen 11mudane halka laba mudane ay ku maqnaayeen arimo shaqo.

Kulankan oo uu shir gudoominayay maayarka golaa deegaanka gabiley ayaa laga hadlay laba arimood kuwaasi oo kala ahaa qiimaynta xaalada abaaraha ee gobolka iyo xogogaal unoqonashada dadka soo guurtada ah ee gobolka ku sugan.

Sidoo kale qodobka labaad ee kalfadhigan lagaga hadlayaa ayaa sii naaqishaada xeer hoosaadka golaha oo fadhiyada danbe lagu qaybin doono.

Maayara magaalada gabiley maxamed amiin cumar cabdi ayaa faah fahin ka bixiyay qodobadaasi lagaga hadlay fadhiga golaha iysagoo magacaabay laba gudi oo soo qiimayn doona xaalada guud ee gobolka dadka abaaraha ka soo hamaamiyeen deeganadoodii eek u sugan gobolka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS