Khilaafkii Golaha Deegaanka Gabiley Oo Lasoo Afjaray Iyo Qodobada Kasoo Baxay!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Golaha Deegaanka Gabiley Oo Lasoo Afjaray Iyo Qodobada Kasoo Baxay!.
February 24, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)Khilaaf Mudo udhexeeyay golaha deegaanka Degmada ay gabiley ayaa  sirasmi loosoo afjaray kadib markii Gudi xildhibaano ah oo lasoo saaray soo afjarida khilaafkani Ayaa caawa shaaciyeen in khilaafkii golaha dhexdiisa la Dhameeyay islamarkaana laga gaadhay heshiish rasmi ah oo Goluhu kuwada shaqayn doono.

Gudida xildhibaanada ah ee loo saaray xalinta khilaafkan oo ka koobaan afar xildhibaan oo kala

1;Cabdiraxmaan Nuur Abokor. Eng Cabdinaasir  haaruun oo ka socda dhinaca maayarka gabiley

1;Xildhibaan khaalid Hoori Iyo Xildhibaan Garyaqaaan Caydaruus oo iyaguna ka socday xildhibaanada mucaaridka ayaa warbaahin la wadaagay in ay soo afjareen khilaafkii golaha dhexdiisa islamarkaana ay guud ahaan xildhibaanada golaha deegaanku ku qanceen heshiish lagu soo afjaray khilaafka golaha.

Xildhibaanada ayaa iyagu sheegay in madaama ay dalka iyo deeganka gobolka gabiley ay xiligan ka jiraan culus badan iyo dad kusoo guuray ay muhiim tahay in bulshada loo shaqeeyo laga gudbo khilaafkii dhexdooda,

gudida xildhibaanada ee xalinta khilaafka golaha deegaanka ayaa sheegay in ay xal ka gaadheen waxyaabihii goluhu isku khilaafsanaa oo ubadnaa xisaab xidhka golaha iyo miisaaniyadii golihii ka horeeyay diyaariyeen ee 2021.

Sidoo kale Xildhibaanada gudida xalinta khilaafka golaha ayaa sheegay in tabashadooyinkii labada dhinac ee dhinaca shaqada iyo awooda maamul ku xaliyay  in goluhu ku shaqeeyo sharciga iyadoo la ixtiraamayo masuuliyada gudi kasta iyo shaqada ay golaha wakiilka uga tahay.

Dhanka kale badhasaabka gobolka gabiley cabdiqani maxamed Jiidhe ayaa iyagu soo dhaweeyay heshiishka laga gaadhay khilaafkii golaha.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS