“Heshiiskani Waxa Uu Wax Weyn Utari Doona Bulshada Jsl Oo Si Fudud Midba Midka Kale Uga Wici Doono,Telesom Iyo Somtel Hadba Qofku Simcardka Uu Isticmaalo”Wasiir Cabdiwali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Heshiiskani Waxa Uu Wax Weyn Utari Doona Bulshada Jsl Oo Si Fudud Midba Midka Kale Uga Wici Doono,Telesom Iyo Somtel Hadba Qofku Simcardka Uu Isticmaalo”Wasiir Cabdiwali.
February 19, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technolajiyada jsl Dr Cadbiwali Sh, Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa shirkadaha Isgaadhsiinta uga mahad celiyay heshiishka ay ka gaadheen isku furnaanshaha telefoonada shirkadaha telesom iyo somtel oo maanta kala sexeexday heshiish isagoo sheegay in shacabka somalilandna ay faa,iido wayni ugu jirto.

Wasiirka cabdiwali oo qoraal uu kaga hadlayo heshiishkan ku baahiyay barta uu ku leyahay xidhiidhka bulshada ayaa udhignaa Sidan;

“Waxa Sharaf Ii ah in aanu u soo gabagabayno heshiiska isku xidhka shirkadaha isgaadhsiinta “Interconnection Agreement” ee Jamhuuriyadda Somaliland (TELESOM iyo SOMTEL).

Waxa aan halkan uga mahadnaqaynaa shirkadaha Isgaadhsiinta JSL oo maanta u furay bog cusub suuqa Isgaadhsiinta JSL, isla markaana in badan nagala shaqeeyay sidii Heshiiskani uhir gali lahaa.

Ugu danbayntii heshiiskani waxa uu wax weyn u tari doona bulshada JSL kuwaas oo si fudud midba midka kale uga wici doono Telesom iyo Somtel hadba qofku  Simcardka uu Isticmaalo.

COMMENTS
LINKS