|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Amnesty Oo Ciidammada Tigreyga Itoobiya Ku Eedaysay In Ay dad Rayid Ah kula Kaceen Kufsi Wadareed!
February 16, 2022 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Dagaalyahannada Tigreega ayaa si ula kac ah u dilay dad rayid ah oo ay kufsi wadareed u geysteen, tobanaan haween ah iyo gabdho aan qaan-gaadh ahayn laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada ee Itoobiya sannadkii hore, Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay shaacisay maanta oo Arbaca ah. Amnesty International ayaa wareysatay 30 qof oo ka badbaaday kufsi, qaar ay da’doodu ka yar tahay 14 sanno iyo dhibanayaal kale oo ka waramay xasuuqii ka dhacay deegaanada Chenna iyo Kobo bilihii Ogosto iyo Sebtembar ka dib markii fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay la wareegeen magaalooyinkaas. Falal noocaan oo kale ah ayaa horey loogu eedeeyey ciidamada Federaalka Itoobiya inay iyaguna ka geysteen deegaanka Tigreyga intii ay socdeen dagaaladan.
Related posts:SAGAL JET oo Muwaacanno Timir ah ku Wareejisay Cusbitaalka Dhimirka, Xarunta Agoomaha iyo Xabsiga Dh... Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Kulan Layeeshay Wasiirka Ganacsiga Kenya Iyo Arimaha Ay... Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Soo Saaray Wareegto Uu Amar Culus Ku Dul Dhigay Maayarada Dalka. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|