|
|||||
WAJAALE NEWS
“Golaha Wakiilladu Waxa Uu Kasoo Baxay Asxaabta Qaranka, Aragtiyahana Waa La Isku Khilaafi Karaa, Laakiin Danta Qaranku Waa Mid Innaga Dhaxaysa” Gudoomiye Cabdirasaaq.
February 13, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka hadlayay casuumadii madaxwaynuhu usameeyay xildhibaanada Golaha ayaa ugu horay madaxwaynaha uga mahad celiyay casuumadan, isagoo sheegay in Golaha Wakiilladu xaq u leeyahay inuu la xisaabtamo Xukuumadda, taasina ay tahay xaq uu siiyey Distuurku, balse danta qaranku Ay mid tahay hadii madaxwaynuhuna uu golaha wax katirsadana uu u yeedhi karo. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey Hadhimo sharafeed uu madaxwaynuhu usameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa ka dhawaajiyey in ay shaqada golahoodu ay tahay la is xisaabtanka Xukuumadda, waxaanu yidhi ‘Haddii laga yaabo, waad ogtihiin oo dalku asxaab ayuu ka kooban yahay, tusaale ahaan golaha Wakiilladu waxa uu ka soo baxay asxaabta qaranka, markaa aragtiyaha waa la isku khilaafi karaa, laakiin danta guud ee qaranku waa mid oo way innaga dhaxaysaa. Haddii la maqlo in ay hadalladu si u taagn-taagan yihiin ‘Somalidu waxay tidhaahdaa meesha lagu xifiltamayo in lagu kala tegay ayey moodaa, waa maslaxadii oo qolaba dhinac ka taagan tahay oo ka eegayso. Xooggaa waanu tirsanaynaa oo qolad xukuumadda cabanaan waanu ka tirsanaa oo had iyo jeer way caban tahay, golahayguna wuxuu u samaysan yahay gebigiisuba la xisaabtan, meeshana waxa aynu u joognaa waa is dheelitirka laamaha Dawladda, haddii qanjiidhooyinku qolada Xukuumadda ku bataan, madaxweynuhu isaga madaxweynihii qaranka ah, golahan isaga xukuma, oo gole Cabdirisaaq Khaliif xukumo oo mucaarad ah oo halkan jooga maaha, ee waa gole qaran oo madaxweynuhu xukumo. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi; “Arrinta idin damaqdaana waa shaqadoodii oo goluhu shaqadiisu waa isla xisaabtan, oo xukuumadda la xisaabtamo, oo hay’addaha kale ee dawladda la xisaabtamo, taasina waa mid uu xaq u leeyahay, iyaguna waa in ay u dhego nuglaadaan weeye, oo ay ogaadaan in ay goleyaasha qaranku is dhamaystiraan oo is dheeli tirayaan. Maanta in aynu halkan wada joogno waxa ay markhaati u tahay sida aynu jidh qudha u nahay oo haddii qolo gabto shaqadeeda ta kale aanay u shaqayn Karin. Waxa dardaarankeenu noqonayaa oo aanu annaguna balanqaadaynaa gole ahaan wixii shaqo ah ee dani keento isku ceebaysan mayno, wixii xadgudub ahna madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay haddii uu dareemo inuu golaha u yeedho oo uu madaxdiisa u yeedho, waana xaq uu leeyahay oo aanay ciddi ka hortaagnayn.’ HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|